Siyaasi ka horyimid habka ay beelaha Hawiye u raadinayaan maqaamka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay dadaalka ay beelaha Hawiye ugu jiraan dib u hanashada maqaamka Gobolka Banaadir.

C/laahi Sheekh, ayaa sheegay in aragti ahaantiisa ay tahay inaan wali la gaarin xiliga la baadi-goobi lahaa maqaamka Gobolka.

Waxa uu C/laahi Sheekh sheegay in shirarka lagu raadinaayo maqaamka Gobolka ee ka socda magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo bacdaal ah, waxa uuna cadeeyay inaan la gaarin xiliga Muqdisho ay heli laheyd maqaamkeeda.

”Wey dhicikartaa in Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ku guuleystaan dib usoo celinta maqaamka gobolka Banaadir balse ma filaayo in xiligaani ay tahay xiligii loogu talo galay”

”Waxaan oran lahaa inaan lagu degdegin ama aan wakhti lagu lumin baadi-goobka maqaamka waayo waxaan aaminsanahay inaan lagu gaari karin laba maalin”

Sidoo kale, Siyaasiga waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in maqaamka Muqdisho loo raadin karo wadiiqad ka duwan mida hada la siyaadadeynayo.

Si kastaba ha ahaatee, Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan ayaa ka digay in qaabab khaldan loo dhigo maqaamka Gobolka waxa uuna taa bedelkeeda soo jeediyay in la hormariyo qaababka lagu raadinaayo maqaamka lumay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET