FADEEXAD: Siyaasi kashifay sirta ka danbeysa xariga fannaaniinta kooxda Xiddigaha Geeska.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxa xisbiga mucaaradka UCID ee Maamulka Somaliland Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in xariga Fanaaniinta xidigaha Geeska uu yahay mid lagu mashquulinaayo shacabka Somaliland.

Waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu lunsaday dhaqaalihii ugu badnaa oo iminka laga hadal hayo deegaanada Maamulka, waxa uuna sheegay in qorshaha xariga uu yahay mid lagu qarinaayo Musuqa xukuumadu ay ku kacday.

Siyaasigu waxa uu sidoo kale tilmaamay in Hargeyso lagu xiro kaliya Saxafiyiinta iyo Fanaanada taasi oo ka dhigan ayuu yiri in lagu mada-daaliyo shacabka.

“Xariga Fanaaniinta iyo Suxufiyiinta waa ficilo xukuumadda Siilaanyo ku qarineyso hantida la lunsanayo”

Jamaal Cali Xuseen waxa uu soo hadal qaaday heshiiskii DF Somalia iyo Maamulka Somaliland ay ku wada galeen dalka Turkiga kaasi oo dhigaayay inay dadku isku socon karaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay ka war qabaan siyaasiyiin iyo madax ka tirsan xukuumadda Somaliland inay guryo ku leeyihiin magaalada Muqdisho islamarkaana xili waliba u kala dhuuntaan.

Haddalka Jamaal Cali Xuseen ayaa imaanaya xili xasarad ay ka dhalatay xariga Fanaaniintaasi oo saameyn ku yeeshay Madaxda dalka.

Muddo todobo cisho ah ayey Maxkamadu amar ku bixisay in Xabsiga lagu sii hayo Fanaaniinta Xiddigaha Geeska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com