Siyaasiyiinta Habargidir oo si kala duwan uga falceliyey ka bixitaanka Ahlu-Sunna ee magaalada GURICEEL

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Habargidir ayaa si deg deg ah uga hadlay tallaabada ay Ahlu-Sunna Waljamaaca uga baxday magaalada Guriceel, oo maalmihii u dambeeyay ay kula dagaalamayeen ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda oo dhinac ah.

Siyaasiyiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, C/xakiim Maalin iyo Maxamed Abtidoon ayaa ku bogaadiyay hogaanka Ahlu-Sunna inay aqbaleen dadaaladii nabadda ee odaayasha dhaqanka si loo joojiyo dagaalka.

Mahad Salaad ayaa qaab ka duwan siyaasiyiinta kale uga hadlay tallaabadaas, isagoona sheegay in Ahlu-Sunna looga adkaaday dagaalka, sidaasina looga xoreeyay magaalada Guriceel oo toddobaadyadii u dambeeyay ay gacanta ku hayeen.

Hoos ka aqriso qoraaladooda;

Xildhibaan Mahad Salaad: Kooxdii Burcad Diimeedka ahayd ee degmada Guriceel ku soo duushay waa laga xoreeyay. Alle ayaa mahad dhamaanteed u sugnaatay. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa maamulka iyo shacabka degmada Guriceel, Ciidamada geesiyada ah ee Galmudug iyo kuwa dowlada Federaalka.

Waxaan uga tacsiyeynayaa shacabka reer Guriceel, saraakiisha iyo ciidamada Galmudug iyo kuwa dowlada Federaalka ee waxyeeladu ka soo gaartay Xasilintii degmada Guriceel. Intii dhimatay Allaha u naxariisto. Inta dhaawada ahna Allaha u boogadhayo. Aamiin.

Hada waxaan ka shaqeynaynaa in shacabka si degdeg ah magaalada ugu soo laabtaan, loona fidiyo adeegyada caafimaad iyo kuwa nololeed ee lagama maarmaanka u ah shacabka reer Guriceel.

Midnimada Galmudug waa muqaddas, lama aqbali karo koox burcad diimeed ah in deegaan nabad ah inta xoog ku qabsadaan hadana ku gorgortamaan dhiiga dadkeena iyo jiritaanka dowladnimada Galmudug!

Xildhibaan Cabdixakiim Maalin: Waxaa soo idlaaday dagaalkii gardarrada ahaa ee ay deegaanno xasillan ku soo qaadeen kuwa doonaya in ay dano siyaasadeed ku gaaraan dhiigga dhallinyarada ay marin habaabiyeen.

Hayeeshee, waxa inoo taalla masuuliyad wayn oo ah inaan ka shaqeynno sidii aan dadkeenna mar kale colaad loogu adeegsan, looguna burburin mustaqbalkooda iyo kan deegaankooda.

Waxaan ka shaqeyneynaa in dhallimyarada dagaallada la geliyay ay sidaan si ka wanaagsan ugu adeegaan dadkooda ayna ka qeybqaataan la dagaallanka cadwga iyo horumarinta dowladnimada.

Cid kasta oo dooneysa in ay qori caaraddi xukun ku gaaraan lagama aqbali doono mana loo dulqaadanayo kuwa doonaya in ay dhiiga Saraakiisha, Ciidamada qaranka iyo Dhallinyaradeena ku xaqiijiyaan ahdaaf iyo dano Siyaasadeed.

Rabbi ha u naxariisto dadkii dagaalka inooga dhintay, dhaawacana allaha bogsiiyo. Galmudug waxa ay leedahay Hay’ado sharci ah oo lagu heshiiyay kuwaas ayaana looga danbaynayaa talada lagu maamulayo, reer Galmudug waxaa looga fadhiyaa in ay ilaashadaan dowladnimada ayna ka shaqeeyaan horumarka deegaankooda.

Xildhibana Maxamed Abtidoon: Maadaama ay ciidankii Ahlusunna iskaga baxeen Guriceel iyadoon cidna awood ku muuquuninin ayna aqbaleen soo jeedintii ka timid dadka samodoonka ah ee reer Galmudug ayna dageen iyagoo sidoodii u uruursan meel aan ka fogeyn Guriceel.

Guuritaankooda waxay muujineysaa biseyl, karti iyo awood markii ay ka tageen hubkii ay ka qabsadeen DF iyo Galmudug kuwii ay wateena ay la guureen. Hadaba Qoorqoor waxaa la gudboon in uu sida ugu dhaqsiyha badan u furo wadahadal kana shaqeenin magaalooyin hada nabad ah in aysan u burburin sida Guriceel.

Waxaan u soo jeedinayaa samadoonada iyo waxgaradka Galmudug in ay u istaagaan colaad dambe in aysan Galmudug ka dhicin. Waxaan qabaa in maalmihii adkaa gaboodfaladii dhacay lagula xisaabto ciddii masuuliyadda deegaanka lagu ogaa ee loo doortay si loo ogaado dhiiga dadka in uu muhiimad noo leeyahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan bogaadinayaa dadaalka ay ganacsatada iyo siyaasiyiinta Galmudug ku joojiyeen dagaalkii ka socday Guriceel. Way habboonayd in dadaalladii la waday dagaalka ka hor ay mira dhalaan oo ay Ahlusunna banneeyaan Guriceel, si looga baaqsado dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka haatan dhacay. Dagaalkii joogsaday kama dhigna colaaddii oo dhammaatay.

Colaaddu waxay dhammaanaysaa markii heshiis iyo isfaham laga gaaro wixii dagaalka keenay, taasina go’aan geesinnimo leh ayey u baahan tahay. Hoggaanka Ahlusunna waa in ay waaqiciyiin noqdaan oo ay aqbalaan dawladnimada Galmudug, damacooda siyaasadeedna nabad iyo wadajirka Galmudug ku raadiyaan, muujiyaanna in aysan caqabad ku ahayn dawladnimada.

Way arkaan in shacabka Galmudug ay dawladnimada ka doorbidayaan kooxaysiga. Hoggaanka dawladda Galmudug waa in uu la yimaadaa karti iyo dulqaad uu dadka ku deeqsiiyo dawladnimada.

Waa in uu guddi dib u heshiisiin magacaabo, reer Galmudugna ay gacan ku siiyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladdan dhowrka iyo tobanka sano soo taagan, si loo helo xasillooni siyaasadeed, salkana mudaca looga saaro.

Waa in uusan aargoosi dhicin, lagana shaqeeyaa in meesha laga saaro isku dhac noocan oo kale ah inuu yimaaddo mustaqbalka. Nabaddu qiimo badan ayey ku kacaysaa, laakiin caaqibo wanaagsan ayey leedahay