Daawo: Maxaa ka jira in Puntland ay Ahlu-Sunna ku garab siisay dagaalka?

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka jawaabay eedeymo si hoose loogu jeedinayey todobaadyadii u dambeeyey, kuwaas oo la xariira xiisadda ka aloosan Galmudug, waxayna dad badan oo reer Galmudug ah qabaan in Puntland ay Ahlu-Sunna ku gacan siineyso dagaalka ay kula jirto dowlad goboleedka Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Puntland aysan wax taageero ah siin ururka Ahlu-Sunna ee dagaalka kula jira dowlad goboleedka Galmudug.

Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay in Puntland ay jeceshahay wanaagga deeriskeeda Galmudug, isla markaana aysan suurta gal aheyn inay taageerto kooxo liddi ku ah jiritaankeeda.

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey in jiritaanka Galmudug uu muhiim u yahay ammaanka iyo iskaashiga labada maamul, “Jiritaanka Galmudug waxuu noo yahay wanaag, waxaan nahay dad walaalo ah oo wada degan oo dowlad dhiska Soomaaliya qeybtooda ka qaadanaya, waa been abuur in aan taageero siinay cid aan dowladda Galmudug aheyn,” ayuu yiri guddoomiye Sanyare.

Waxa uu sheegay in Galmudug ay ka kaashadaan la dagaalka cadawga Soomaaliya ee Al-Shabaab, “Dadweynaha Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa in eedeynta noocaas ah aysan aheyn mid Galmudug ka timid, laakiin waa macquul in dad reer Galmudug ah lasoo dhex-marsiiyey, waa eedeymo meelo kale laga soo maleegay, balse waxaan cadeyneynaa inaan aad uga xunahay dagaalka ka dhacay Guriceel,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Sanyare.

Sidoo kale waxa uu sheegay in reer Galmudug looga baahan yahay in khilaafka dhexdooda ka jira ay xalistaan, “Waxaan jecelnahay reer Galmudug gudahooda wixii ka jira inay xalistaan, dowladbaa u dhisan, inta is kaalmeystaan xalista-baan leenahay arrimihiina, wixii kalena waan iska kaalmeysan karnaa, sida la dagaalanka cadawga, sidiibaan walaalo idinkugu nahay, waxaan idinku garab taaganahay inaad cadawga la dagaalantaan,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland isagoo sii hadlayey waxuu yiri, “Ma ogolin in been abuur nagala sameeyo oo cid aanaa cadaw u aheyn cadaw nalooga dhigo, hal cadaw ayaan leenahay halkaas cadawna waa argagixisada, waa inay sii jirtaa walaaltinimadeena oo tuhun meelo qaldan laga soo tuuray uusan nasoo dhex-gelin.”

Dad badan oo reer Galmudug ah ayaa maalmihii u dambeeyey hadal hayey in Puntland ay garab siineyso culumada dib isusoo abaabushay ee Ahlu-Sunna.

Dhankiisa madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa shalay sheegay inay jiraan dhinacyo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib garab siinaya Ahlu-Sunna, inkastoo uusan carabka ku dhufan qolo gaar ah, hadana waxa uu balan qaaday inay dib ka soo shaaci doonaan cidda Ahlu-Sunna ku taageereysa inay ku soo duusho Galmudug.

Hoos ka daawo Guddoomiye Sanyare