Waxaa hubanti ah in rag ka mid ah tartamayaasha xilka madaxweynaha ay qaarkood u arkaan in keliya ee lagu fashilin karo hannaanka doorashada qof iyo codka ah ay tahay in deegaamadii la xoreeyay ay Al-Shabaab dib u qabsadaan, si loo yiraahdo meel doorasho lagu qaban karo ma jirto.
Haddaba, ka warran ninka webi jiinkiisa degan oo halkii uu iska moosi lahaa daadka, inta uu mooska jebiyo, uu faruurta soo faro si uu nabad ugu helo gurigiisa iyo beertiisa?
Dagaalka Al-Shabaab waxaa jira kooxo siyaasiyiin ah oo dalka xilal waaweyn ka soo qabtay kuwaas oo majo-xaabinaya, iyaga oo u arka in dagaalkan uu yahay mid keliya oo guul loogu nisbeeyo madaxweynaha hadda jooga, Xasan Sheekh Maxamuud.
Dagaalka Al-Shabaab waa guul ay bulshadu wada gaartay. Ninka aan guushaas in nala gaadhay aqoonsanayn waa mid jab nala maagan ee halaga feejignaado.
Xadhig-jiidka doorashada oo ay kooxaha tartamaya cabsi badan ka qabaan, maadaama ay ka baqayaan in mar kale madaxweynaha haatan jooga uu ku soo baxo oo uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee dadweyne doorto, ayaa sababtay in ay si dadban u taageeraan Al-Shabaab.
Waagii hore, arrimahan way jireen, siyaasiyiin ku daaban Al-Shabaab waxayse ahayd arrin qarsoodi ah iyo mid mara-hoosteed ah. Haddase, arrintu waxay maraysaa heer toos loo badheedho oo loo ololeeyo Al-Shabaab, dadweynahana lala hor yimaado taageerada iyo buunbuuninta kooxdaas.
Ragga qaarkood waxay si toos ah ula xiriiraan Al-Shabaab, iyagoo leh: “Meel heblaayo weerara, gobol hebel dib u qabsada.” Waxaas oo dhan waa arrimo siyaasadeed oo lagu fashilinayo halganka dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo guusha dowladda iyo dadweynaha.
“Hooyadii nin ka guuray, habaryartii kuma negaado.”
Ninka xil doonaya ee Shabaab deegaankiisa ku hoggaaminaya, ma waxaad u malaynaysaan in uu dal iyo dad horumar u horseedi karo?
W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.