25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Siyaasiyiinta mucaaradka oo isugu tagay Mowlaca Macallin Nuur + Ujeedka kulanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mowlaca Macalin Nuur ee magaalada Muqdisho waxaa maanta isugu tagay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay hoggaamiyaha Xerta Macalin Nuur.

Kulankan oo ahaa salaan iyo is-xaal wareysi ayaa sidoo kale waxay siyaasiyiinta mucaaradku diirada ku saareen xaaladda dalka, xilli uu mucaaradku si weyn uga biyo diidan yahay sida uu wax u wado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uuliyiinta mucaaradka ayaa waxaa hoggaaminaya Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, uuna kamid yahay Ra’iisul Wasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid, xubno isugu jira siyaasiyiin xilal kala duwan soo qabtay iyo xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubnahan ayaa aragti ahaan dhaliilsan siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaana la filayaa in maalmaha soo aadan uu magaalada Muqdisho ka furmo shirweyne ay isugu imaanayaan siyaasiyiinta mucaaradka.

Kulankan oo bilow u ah kulamada xubnaha mucaaradka ayaa dhanka kale wuxuu kusoo aadaya xilli ay maalmihii dambe soo baxayeen xogo hoose oo sheegaya in mucaaradku uu cadaadis xooggan saarayo Madaxweynaha, iyadoo Reer Galbeedku isku raaceen in loo baahan yahay in Xasan lagu khasbo inuu talada dhexda keeno si loo ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Maqnaanshaha mucaarad xooggan oo fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa fursad siin karta Madaxweyne Xasan, taasoo u sahlaysa inuu si aan tartan laheyn u maamulo talada, halka haddii uu jiro mucaarad dhab ah, ay suuragal noqon lahayd in lagu hayo cadaadis siyaasadeed gudaha caasimadda, waana midda hada soo kicisay siyaasiyiinta mucaaradka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana is haya dowadda dhexe, Jubaland, Puntland iyo mucaarada, kadib markii ay isku fahmi waayeen dastuurka iyo doorashada.





- Advertisement -

Read more

Local News