Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in dhaqan-galka Xeer-nidaamiyaha Dareera-hoosaadka Batroolka uu si buuxda u bilaabanayo 21-ka June 2025.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in go’aankan lagu gaaray shir muhiim ah oo dhacay 21-ka May 2025, kaas oo lagaga dooday sidii xeerkan loogu dabaqi lahaa dhammaan ganacsiyada ku shaqada leh sifaynta, kaydinta iyo qaybinta shidaalka iyo gaaska gudaha dalka.
Wasaaraddu waxay xustay in shirkaasi uu ahaa mid dhexmaray wasaaradda iyo ganacsatada shidaalka iyo gaaska, isla markaana lagu falanqeeyay habka ugu habboon ee loo hirgelin karo xeerkan cusub.
Intaas kadib, wasaaradda ayaa ganacsatada la wadaagtay illaa 6 qodob, kuwaas oo kusoo baxay bayaan ay soo saartay wasaaradda Batroolka Soomaaliya, kuwaas oo u dhigna:
1. Dhaqan-galka Xeerka: Wasaaraddu waxay si rasmi ah u mudeysay in Xeer-nidaamiyaha Dareera-hoosaadka Batroolka uu dhaqan-galayo laga bilaabo 21-ka June 2025.
2. Muddo U-hoggaansanaan: Ganacsatada shidaalka iyo gaaska waxaa la siiyay muddo hal bil ah oo u dhaxaysa 22-ka May illaa 21-ka June 2025, si ay u waafajiyaan hawlahooda shuruudaha iyo qawaaniinta ku cad xeerkan.
3. Buuxinta Shuruudaha: Wasaaraddu waxay ka rajaynaysaa ganacsatada in ay si buuxda u dhammaystiraan dhammaan shuruudaha ku xusan xeerka, si loo hubiyo tayada adeegyada ay bixiyaan.
4. Shuruudaha Tayada Shidaalka: Laga bilaabo 21-ka June 2025, dhammaan noocyada shidaalka iyo gaaska ee loo soo dhoofinayo gudaha dalka waa in ay waafaqaan heerarka tayada ee ku qeexan xeerkan cusub.
5. Ciqaabta Shirkadaha Aan Waafaqsaneyn: Shirkad kasta oo dalka keenta shidaal ama gaas aan la jaanqaadi karin halbeegyada tayada ee xeerku dhigayo, laga bilaabo 21-ka June 2025, waxay wajihi doontaa tallaabo sharci ah.
Ugu dambeyntiina, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa uga mahadcelisay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya batroolka iyo gaaska doorkooda firfircoon iyo wada-shaqeyntooda. Sidoo kale, waxay ku dhiirrigelisay inay si buuxda ugu hogaansamaan xeerarka cusub, si loo sugo tayada iyo badbaadada adeegsiga shidaalka iyo gaaska dalka.

