29 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Muhaajiriin Mareykanka laga soo tarxiilay oo ku xayiran magaalada Jabuuti + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Koox muhaajiriin ah oo laga masaafuriyay Mareykanka kuna wajahnaa dalka dagaallada sokeeye la daalaa dhacaya ee Koonfur Suudaan ayaa si ku-meel-gaar ah loogu hayn doonaa Jabuuti, kaddib amar maxkamadeed oo ay si adag uga carootay xukuumadda Trump.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in sideed muhaajiriin ah, oo kasoo kala jeeda dhowr dal, laga saaray dalka sababo la xiriira dambiyo rabshado wata oo lagu helay sannadihii hore.

Muhaajiriinta ayaa Talaadadii la saaray diyaarad ku socotay Koonfurta Suudaan halkii laga celin lahaa waddamadii ay asal ahaan kasoo jeedeen, kaddib markii Mareykanku ku guuldareystay inuu helo oggolaansho rasmi ah oo ka yimaada dowladahooda si dib loogu celiyo.

Haatan, waxay ku xiran yihiin xarun uu leeyahay Waaxda Ammaanka Gudaha Mareykanka (DHS) oo ku taalla Jabuuti, halkaas oo sidoo kale uu ku yaallo saldhig milatari oo weyn oo Mareykanku leeyahay.

Garsoore Brian Murphy oo ka tirsan Maxkamadda Federaalka ee magaalada Boston ayaa Arbacadii xukumay in maamulka Trump uu jebiyay amar hore oo maxkamaddu bixisay, isagoo tilmaamay in muddada la siiyay muhaajiriinta si ay uga hor yimaadaan musaafurintooda “ay si muuqata u ahayd mid aan ku filnayn.”

Koonfur Suudaan, oo ah dal sabool ah oo muddo dheer wajahayay amni darro iyo qalalaase siyaasadeed, waxaa saaran digniin safar oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Garsoore Murphy wuxuu xusay in muhaajiriinta ay sharci ahaan xaq u leeyihiin in la siiyo ogeysiis waqti ku filan iyo ugu yaraan toban maalmood si ay uga racfaan qaataan go’aanka musaafurinta, sida ku cad heshiiska Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah jirdilka.

Wuxuu sidoo kale go’aamiyay in lix ka mid ah muhaajiriinta ay xaq u leeyihiin inay si rasmi ah, iyadoo uu qareen matalayo, u sheegtaan “cabsidooda” ku aaddan in lagu jirdilo ama lagu tacaddiyo dalka saddexaad ee loo masaafurinayo.

Xitaa haddii Waaxda Ammaanka Guduhu ay go’aamiso in cabsidaas aysan sal laheyn, waxaa weli lagama maarmaan ah in muhaajiriinta la siiyo ugu yaraan 15 maalmood si ay u racfaan ka qaataan nidaamka musaafurinta.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii bartiisa Truth Social si kulul uga hadlay go’aanka maxkamadda, isagoo yiri: “Garsooruhu wuxuu amar ku bixiyay in SIDEED ka mid ah dambiile yaashii ugu halista badnaa ee dunida aysan sii wadan safarkoodii Koonfur Suudaan, balse ay ku sugan yihiin Jabuuti.”

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Wuxuu diiday in ‘xayawaankan’ ay gaaraan meesha loogu talagalay.” Trump wuxuu ku eedeeyay garsoorka Mareykanka inuu yahay “mid gebi ahaanba loo maaro-waayay.”

Aqalka Cad ayaa sheegay in sideedda nin ee laga masaafuriyay ay kala yihiin: laba muwaadin oo u dhashay Myanmar, laba Cuban, nin u dhashay Vietnam, mid Laos ka soo jeeda, Mexican, iyo muwaadin u dhashay Koonfur Suudaan.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in dhammaan dadka la masaafuriyay ay heleen digniin hore oo ku filan, hase yeeshee, qareennada matalaya muwaadinka Vietnam iyo mid ka mid ah labada qof ee Myanmar ayaa qoraallo u gudbiyay maxkamadda, iyagoo sheegay in macaamiishooda ay go’aanka ogaadeen habeenkii ka horreeyay ama subaxnimadii Talaadada — maalintii la duulayay.

Dhankooda, afhayeen u hadlay Waaxda Ammaanka Gudaha Mareykanka ayaa Arbacadii sheegay in Koonfur Suudaan aysan ahayn “meesha kama dambaysta ah” ee lagu waday muhaajiriinta.

- Advertisement -

Read more

Local News