Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ah ee maanta tegay Mowlaca Macalin Nuur ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay Mowlaca Macalinka ku tukadeen, balse sidaas oo kale aan loogu tuka karin Masaajidda kale.
Hadalkaan ayaa abuuray guux iyo hadal heyn badan oo dhanka ammaanka ah, waxayna dadka falanqeynaya badankood ku doodayaan in Muqdisho amni tahay.
“Aniga iyo siyaasiyiinta kale, maanta Masjidkaan ayaan ku soo tukanay, laakiin Masaajidda kale kuma tukan karno, sababtoo ah argagixiso ayaa qarax iyo mushkilo la hor fadhisa, iyaga iyo kuwa fursadda siinaya waa la iska celinaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Wuxuu sheegay in dalkaan ay duriifo adag u soo mareen oo waayo badan ay ka shaqeynayeen sugidda amnigiisa, isla markaana ay hadda diyaar u yihiin inay saxaan waxyaabaha qaldan ee dhanka ammaanka ah.
“Dad lagu cabsii karo ma nihin ammaanka ayey wax ka sheegeen iyo agagixiso ayey u hiiliyeen, Al-Shabaab waa cadow guud oo wax kasta khatar ku ah, iyaga iyo kuwa fursadda siiya waan iska celineynaa, waana ka qabaneynaa dalka,” ayuu yiri CC Shakuur.
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in qof kasta oo talada dalka marooqsada la iska qabanayo, iyadoo aan lii fiirineyn Xasan waa tolka iyo Farmaajo waa qolo kale.
“Mar kasta waxaan diyaar u nahay in si nabad ah aan gacanta uga qabano ee jidka toosan ku soo duwno, iyadoo aan dalka la gelineyn qalalaase,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta ka hadlay mowlaca Macalin Nuur.
Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid, CC Shakuur iyo xubno kale ayaa maanta isugu tegay Mawlaca Macalin Nuur oo Khaliif Cabdulqaadir Macalin uu ku casuumay.
Hoos ka daawo

