27.8 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Ismaaciil Cumar Geelle oo kala caddeeyey in uu mar lixaad is-sharxayo iyo in kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo xilka haya tan iyo 1999, ayaa diiday inuu meesha ka saaro suurta-galnimada inuu mar kale u tartamo doorashada madaxtinimada ee sanadka soo socda, inkasta oo dastuurka dalkaasi si cad u mamnuucayo arrintaas, sida uu ku sheegay wareysi Jimcihii la daabacay.

Geelle oo 77 jir ah, ayaa markii la weydiiyay suurta-galnimada inuu isu taago doorashada bisha April ee 2026, wareysi uu siiyay The Africa Report, wuxuu ku jawaabay: “Arrintaas kama jawaabayo.”

“Laakiin waxaan dhihi karaa in aan dalkayga si xad dhaaf ah u jeclahay, mana oggolaan karo in aan geliyo xaalad qalqal ah ama kala qaybsanaan keeni karta,” ayuu sii raaciyay, hadalkaas oo loo fasirtay in uu mar kale is-caleemo-saarayo.

Si uu Geelle uga qeyb galo doorashada 2026, waxaa loo baahan doonaa in la beddelo dastuurka dalka, kaas oo mamnuucaya in qof ka weyn 75 sano isu sharaxo xilka madaxweynaha.

Geelle wuxuu ku guuleystay 97 boqolkiiba codadkii doorashadii 2021, halka xisbigiisa UMP uu hadda haysto aqlabiyadda baarlamaanka.

Geelle, oo sidoo kale loo yaqaan “IOG”, ayaa xilka la wareegay sannadkii 1999, kaddib markii uu muddo 22 sano ah ahaa madaxa xafiiska madaxweynihii hore Xasan Guuleed Abtidoon — hoggaamiyihii dalka u horseeday madax-bannaanida sannadkii 1977 markii uu ka xoreeyay Faransiiska.

Tan iyo markii uu xukunka qabtay, Geelle waxa uu si tartiib tartiib ah u xoojiyay awoodda fulinta, isagoo dhaleeceyn kala kulmaya mucaaradka iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha oo ku eedeeya xukun muddo dheer ah, caburinta saxaafadda iyo ciriirinta ururrada siyaasadeed ee madaxa bannaan. Hase yeeshee, taageerayaashiisa ayaa u arka inuu yahay hoggaamiye xasillooni iyo horumar dhaqaale u keenay waddanka.

Jabuuti waa dal yar oo xasilloon oo ku yaalla gobolka Geeska Afrika, meel ay colaaduhu ragaadiyeen. Wuxuu noqday saldhig istaraatiji ah oo ay si gaar ah uga faa’iideystaan quwadaha waaweyn ee caalamka, iyadoo Mareykanka, Faransiiska iyo Shiinaha dhammaantood ay halkaas ku leeyihiin saldhigyo milatari.

Intaa waxaa dheer, Jabuuti waxay martigelisaa dekedaha waaweyn ee gobolka, taasoo si gaar ah muhiim ugu ah Itoobiya oo aan lahayn marin badeed, taas oo Jabuuti ka dhigaysa xudun ganacsi iyo istaraatijiyadeed oo gobolka muhiim u ah.

Dalkaasi, oo xuduud la leh Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea, ayaa ka mid ah kuwa ugu dadka yar Afrika, iyadoo tirada dadka lagu qiyaaso qiyaastii hal milyan.

- Advertisement -

Read more

Local News