Siyaasiyiinta Puntland oo ku dhowaaqay go’aan culus, soona saaray 8 qodob

Garoowe (Caasimada Online) – Xubnaha siyaasadda mucaaradka ee maamul goboleedka Puntland oo shirweyne ku yeeshay gudaha magaalada Garoowe ayaa soo saaray go’aanno culus oo ka dhan ah doorashooyinka dadweyne ee maamulkaasi.

Siyaasiyiintaan oo la magac baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayaa si guud uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi oo haatan ah mid kacsan, waxayna sidoo kale ka horyimaadeen doorashooyinka golaha deegaanka ee la filayo inay ka dhacaan Puntland.

Sidoo kale siyaasiyiinta ayaa shaaca ka qaaday in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo dhaliil xoogan u jeediyay hoggaanka Puntland.

“Shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Puntland in ay joojiso doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn oo sababi kara xasilooni darro iyo qalalaase” ayaa lagu yiri.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dareen in ciidamada ammaanka Puntland, gaar ahaan kuwa Booliska iyo Badda loo adeegsanayo dano siyaasadeed, taasina ay ka digayaan.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in madaxweyne Saciid Deni aan lagu aamini karin geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee Puntlan, sida ay hadalka u dhigeen.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayaa sidoo kale lagu dalbaday in la joojiyo wax ka beddelka Dastuurka, si aysan u imaan khilaafaad kale.

Dhanka, kale, siyaasiyiinta ku shiray Garoowe ayaa waxay ugu baaqeen dowladda federaalka Soomaaliya inay faragelinta siyaasadeed iyo hadallada xanafta leh ka dayso Puntland, iyagoo sheegay inay Puntland isaga filan tahay xalka khilaafka dhexdeeda yaal.

Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada, ayada oo ay sii dheer tahay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe.