Hoggaamiyaha Milatariga SUDAN oo xil ka qaadis sameeyay

Khartoum (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Militariga Sudan Lt Gen Abdel Fattah al-Burhan ayaa xilka ka qaaday ku simaha wasiirka arimaha gudaha Anan Hamed Mohammed Omar oo sidoo kale ahaa taliyaha ciidamada booliska.

War qoraal ah oo uu soo saaray Gen Burhaan ayaa taliyaha guud ee booliska ugu magacaabay Khalid Hassan Muhyi al-Diin.

Lama sheegin sababta xilka looga qaaday, balse Gen Burhaan ayaa horay sidan oo kale wareegtooyin xilka uga qaaday guddoomiyihii bangiga dhexe iyo laba dublamaasi oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.

Bilaysku ayaa la sheegay inay ka hawlgeli waayeen meelaha ay dagaalada ka socdeen , oo ay ku jirto caasimadda, Khartoum, tan iyo markii uu dagaalku qarxay 15kii Abriil.

Tani ayaa sidoo kale keentay in deegaanadaas ay si weyn uga dhacaan falal lidi ku ah sharciga oo ay ka mid yihiin dhac iyo boob.

Xaaladda Sudan ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana dalgaalka uu billowday, xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda.

Dagaallada ayaa sidoo kale ku fiday qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn.

Dhanka kale, beesha caalamka ayaa muddo dheer soo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.

Si kastaba, waxaa haatan socda dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo dagaalka, kuwaas oo ay waddo Sacuudiga, laguna wada hadashiinayo labada nin ee hoggaaminaya dagaalka.