R/Wasaare Xamza oo baaq cusub kasoo saaray dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray baaq cusub oo la xiriira dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ee ka socda dalka.

Mudane Xamza oo dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-ka May oo ku beegneyd curashadii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL, ayaa waxa uu ugu baaqay dhalinyarada inay xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan xoreynta dalka iyo dagaalka socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in aas-aaskii xisbigii Leegada (SYL) uu Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madax-bannaanida ay maanta ku faanayso, “taas oo ay dhiiggooda u hureen halyeeyo Soomaaliyeed oo u istaagay in ummadda ay ka kor qaadaan heeryada gumeystihii arxanka darnaa.”

“Dhallinyaradii ku midoowday ururka SYL ee sababta u noqday xaqiijinta rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in laga dulqaado heeryadii Gumeysiga waxa ay ku sifoobeen isku duubni, waddaniyad iyo weliba in ay ka fogaadeen qabyaaladda, dhallinyaradaas waxay baal-dahab uga qoran yihiin sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare.

Ugu dambeyntiina waxa uu uga mahad-celiyey dhallinyarada Soomaaliyeed doorkooda ku aadan dowlad-dhiska dalka, isaga oo sii xoojiyay baaqa ah inay kaalin wax ku ool ah ay ka qaatan xoreynta dalka, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sanad walba waxaa la xusaa maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, oo ku beegan aas-aaska ururkii gobanima doonka ee SYL, kaasi oo dhidibada loo taagay 15-kii May, 1943, oo aas-aastay dhallinyaro Soomaaliyeed.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo xilligaan uu si dardar leh uga socdo gobollada dalka, uuna dhawaan si rasmi ah u bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.