Doorashada Puntland oo dagaal isu rogtay iyo Garoowe oo la isku faro saaray

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in ay kasii daresyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaaladaas, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka dadweyne ee la filayo inay ka dhacaan maamulkaasi.

Xiisadda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan isku rogtay dagaal ka dhashay doorashada oo ay isku hayaan hoggaanka sare ee Puntland iyo xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka oo ka biyo diidan hannaanka ay xukuumadda u wajaheyso doorashooyinka qof iyo codka ah.

Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Garowe iyo koontaroolka bari, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamo galbinayay agabka doorashada goleyaasha deegaanka iyo ciidamo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo kasoo horjeedo qabsoomida doorashooyinkaasi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada la dagaalamay kuwa ammaanka Puntland ay ka yimaadeen dhanka Laascaanood, waxayna xalay gudaha usoo galeen Garoowe, si ay taageero ugu muujiyaan xubnaha mucaaradka oo iyaguna shirar ka wada magaaladaasi.

Inta uu socday dagaalka ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan illaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada PMPF ee maamulka goboleedka Puntland, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya bariga magaalada Garoowe oo ah halka lagu dagaalamay.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday saacado uun kaddib markii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ay soo saareen bayaan ka dhan ah doorashada, kuna dhaliileen madaxweyne Saciid Deni.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo dhaliil xoogan u jeediyay hoggaanka Puntland.

“Shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Puntland in ay joojiso doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn oo sababi kara xasilooni darro iyo qalalaase” ayaa lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo qof iyo cod ayaa loo ballansan yahay 25 ka bishaan May ee 2023-ka, waxaase sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay doorashadan oo hadda sababay dagaal u dhexeeyo labada dhinac.