Siyaasiyiinta Sacad oo xilli adag Gaalkacyo aaday iyo Qoor Qoor oo qaatay kaalintoodii

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad cakiran ayaa saacadihii lasoo dhaafay kasoo korortay qeybaha koonfureed ee magaalada Muqdisho, kadib markii booliska Soomaaliya oo markii 3-aad digniin kama dambeys ah siiyey qoysaska degan dhulkii dabdemiska ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Dhankooda qoysaska degan dhulka boolisku dalbaday in laga guuro ayaa ku adkeystay in aysan guuri doonin, waxayna cadeeyeen inay dagaalami doonaan, hadii loo adeegsado awood dowladeed.

Intaas kadib arrinta waxaa ku soo baxay masuuliyiinta dowladda ku metesha beesha Habargidir, balse waxaa dhibcihii ugu badnaa galabta uruursaday madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Qoysaska degan dhulka la isku heysto waxay u badan yihiin beesha Sacad, waqtigii loo qabtay inay ku guuraan wuxuu ku egyahay berri oo bisha Abriil ay 20 tahay, halka siyaasiyiinta Dowladda Federaalka ku metesha beesha Sacad ay caawa dhamaantood joogaan magaalada Gaalkacyo.

Qoor Qoor oo Muqdisho jooga ayaa galabta baxay oo tegay degmada Hodan, halkaas wuxuu kula kulmay odayaasha dhaqanka ee beesha laga dalbaday inay ka guuraan dhulka dabdemiska.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu la hadlay warbaahinta, isagoo la jooga odayaasha dhaqanka ee beesha Habargidir oo diidan inay dhulkaas ka guuraan, wuxuu sheegay in berri aysan dhici doonin waxa la filayo oo booliska iyo wasaaradda amniga uu la hadli doono.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa odayaasha ka dalbaday inay iska soo xulaan guddi ay ku kalsoonyihiin, kuwaas oo uu ula tegi doono madaxda qaranka, si loo xaliyo xiisadda ka taagan dhulkaas, wuxuuna si buuxda u balan-qaaday in berri aan la kici doonin qoysaska degan halkaas.

Taani waxay Qoor Qoor u noqotay dhibco siyaasadeed, maadaama siyaasiyiintii dadkaas ku meteleysay dowladda federaalka, sida Fiqi, Cabdi Qeybdiid, Dhabancad, Cabdiraxmaan Cagaweyne iyo xubno kale ay iska xaadiriyeen Gaalkacyo, halkii ay ku bixi lahaayeen xalinta xiisadaan.

Saan-saan colaadeed ayaa maanta laga dareemayey isgoyska Banaadir, Seybiyaano ilaa beerta Qaad, maadaama dowladdu ay ku adkeysatay in xoog looga rari doono berri qoysaska degan dhulkii dabdemiska, halka qoysaska degan halkaas oo ka soo jeeda beesha Habargidir ay hubkooda la soo baxeen, iyagoo si cad u sheegay inay dagaalami doonaan hadii lasoo weeraro.