Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland oo madal Deni ka dhan ah ku dhowaaqay

Garoowe (Caasimada Online) – Madal Siyaasadeed ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin, aqoon-yahano iyo waxgarad reer Puntland ah ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Ku dhawaaqista Madasha Siyaasadda Puntland ayaa lagu sheegay inay timid kadib markii la arkay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Puntland ku sugan tahay, taasi oo lagama ka dhigaysa in dawr muhiim ah laga qaato xal u helidooda.

Qoraal kasoo baxay Madashaan ayaa waxaa lagu sheegay inay u taagan tahay ilaalinta dowladnimada, xasiloonida, midnimada iyo saraynta sharciga dowladda Puntland.

“Madasha waxay u taagan tahay xaqiijinta in Puntland ay ka dhacdo doorasho hufan, loo dhan yahay oo si nabad-gelyo ah ku dhacda laguna soo doorto Baarlamaan, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen 8-da Janaayo, 2024.”

Sidoo kale waxay si weyn u cambaareyeen xasuuqa lagu hayo shacabka magaalada Laascaanod oo maamulka Somaliland si xoog ah ku haysto, sida ay sheegeen.

“Madashu waxay ka tacsiyeynaysaa dadka sida arxan darrada ah magaalada loogu laynayo. Waxay ugu baaqaysaa xukuumadda iyo shacabka Puntland in ay garab istaagaan kacdoonka shacabka reer Sool.”

Madasha ayaa waxay ka digtay in xukuumadda Deni ay horseedo qalalaase iyo firaaq dastuuri ah oo Puntland ka dhaca, lagana fogaado waxkasta oo horseedi kara hubanti la’aan siyaasadeed iyo in la majara-habaabiyo shacabka Puntland & in laga shaqeeyo waxkasta oo horseedi kara khalkhal amni iyo dhaawac soo gaara midnimada iyo wada-jirka shacabka Puntland.

Madasha ayaa sidoo kale waxay soo saartay baaq ka kooban 7 qoddob, kuwaasi oo kala ah;

1. In shacabka reer Puntland ka digtoonaadaan dhagarta siyaasadeed iyo marin-habaabinta lagu dhex wado nidaamka doorashooyinka.

2. In hay’addaha amnigu aanay ku dhex-milmin siyaasadda kuna ekaadaan waajibaadkooda dastuuriga ah ayna u hogaansamaan sharciga.

3. Madashu waxay bogaadinaysaa isimada Puntland waxayna ugu baaqaysaa in ay qaataan dawrkoodii shariifka ahaa ee ay kaga jireen xasiloonida iyo midnimada Puntland.

4. In la isugu yimaado shir wada-tashi ah oo looga arrinsanayo xaaladda doorashooyinka Puntland.

5. In la joojiyo diiwaan-gelinta hubaysan ee xukuumadda wado si looga baaqsado isku dhac amni iyo shaqaaqooyin ka dhasha hanaanka doorashooyinka aan loo dhameyn.

6. Sixidda Khaladaadka ku jira habka dimuqraadiyeynta Puntland, iyadoo asaas looga dhigayo 13-kii qodob ee ururada siyaasadda Puntland soo jeediyeen.

7. Madashu iyada oo bogaadineysa taageerada deeq-bixiyayaasha, hadana waxay ka digaysaa in aysan qeyb ka noqon hanaan doorasho oo xasilooni-darro abuuri kara.

Siyaasiyiinta qeybta ka ah Madashaan maanta lagu dhawaaqay ayaa waxaay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.