MAAXI oo markii saddexaad u tartami doona baarlamanka qaranka Sweden

Siyaasiga Yaasiin Maaxi Macalin ayaa markii sedexaad sanadkan u tartamaya baarlamaanka guud ee dalka Sweden, ka dib markii ay soo sharaxeen xisbiga uu mudada dheer ka tirsanaa ee Shaqaalaha, isaga oo sidoo kale ku jira liiska musharaxiinta Degmada katrineholm iyo kan gobalka Södermaland.

Mr, Yaasiin Maaxi Macalin oo siyaasada wadanka Sweden ku jiray mudo ka badan 15 sananadood ah sidoo kale 2006 ayay ahayd markii 1aad ee yaasiin u tartamo Baarlamaanka Qaranka sweden asago oo horay liiska baarlamaanka kula jiray R/wasaarihii hore ee dalka Sweden Goran persson, hase yeeshee Xisbiga Socialka demoquradiga ee loo yaqaano xisibiga shaqaalaha ayaa sanadkan waxa uu u muuqdaa mid rajo wanaagan ka qabo inay badalaan dowlada hada ka talisa dalka ee xisbiyada isbahaystay ee sideedii sano ee la soo dhaafay dalka maamusha.

yassin22

Musharax Yaasiin Maaxi ayaa dhinca kale ah siyaasi saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya waxa uuna dalka Sweden ka aas-aasay XisbigaSSUP, waxa uuna sanadkii 2012kii uu ka mid noqday musharaxiintii madaxweynaha dalka Soomaaliya u tartameysay.

Dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Sweden gaar ahaan Degmada katrineholm ee gobalka Södermaland waxaa laga codsanayaa in ay codkooda siiyaan Musharax Yassin Maaxi.

Mahadsanidiin.

Xafiiska wararka SSUP

maaxi@hotmail.com

www.ssup.se

Katrineholm, Sweden