PUNTLAND oo u goodisay DF SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa waxaa looga hadlay Arrinta Khuseysa in shirkadaha shidaalka baara in aanay wax heshiis ah la geli karin maamulada dalka ka jira.

Haddalka kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Awaamirta ay Dowlada Federaalka ku joojineyso qodista Shidaalka aysan aheyn mid Khuseysa DF, islamarkaana aan lagala tashaneynin Arrimahaasi.

Ciise Maxamuud Dhool-waa oo ah Agaasimaha Hey’adda Macdanta iyo shidaal baarista Puntland ayaa waxa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray DF uu yahay mid aan laga fiirsan, waxa uuna ka digay in Dowladu ay soo faragaliso Arrimaha Puntland ama Shirkadaha Shidaalka.

‘’Haddalka kasoo yeeray DF ee ah in shirkadaha shidaalka baara aanay wax heshiis ah la geli karin maamulada dalka ka jira ay tahay War aan laga fiirsan Puntland arrimaheeda cidna gor-gortan kalama galeyso’’ Sidaa waxaa yiri Ciise Maxamuud Dhool-waa

Isaga oo hadalkiisa intaa kasii ambaqaadayo ayaa waxa uu yiri “Maamulka Puntland wax xiriir ah kalama dhexeeya DF arrimaheedana iyadaa ka tashaneysa cidna gor-gortan kalama galeyso, wixii khuseeya arrimaha shidaalkeeda iyada u madax banaan, dastuurka dalka waxaa uu xaq u siinayaa Puntland kheyraadka dabiiciga in dhulkeeda ka soo saaran karto”ayuu yiri Agaasimaha Hey’adda Macdanta iyo shidaal baarista Puntland waxa uuna intaa ku daray hadalkiisa haddii ay dhacdo inay DF faragaliso Arrimaha Puntland ay la kulmeyso Jawaab iyo awood u dhigma.

Mr Ciise Maxamuud Dhool-waa waxa uu sidoo kale, daboolka ka qaaday in hadalka ka soo yeeray Wasaarada Macdanta iyo Batroolka dowladda Federaalka uu yahay hadal riyo ah, isagoo xusay in haatan xiriirkii u dhaxeeyay Puntland iyo dowladda Federaalka uu go’an yahay, taasina ay qeyb ka tahay Muujinta ay Puntland ku muujineysa Awoodaheeda Siyaasadeed iyo tan gaarka ah.

Dhanka kale, Ciise Maxamuud Dhool-waa  waxa uu DF uga digay inay ku dhiirato Faragalin ay ku sameyso Arrimaha Puntland, wuxuuna Cadeeyay inay ka bixin doonaan Jawaab adag oo uu Caalamku la yaabo, waa haddii ay dhacdo inay faragalin kala kulmaan Dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com