25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Mareykanka oo ku hanjabay Arrin aan farxad galin taliska ciidmada AMISOM

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka waxay walaac xooggan ka muujiyeen Warbixintii laga argagaxay ee ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ku shaacisay inay ciiddamo u kala dhashay dalalka Uganda iyo Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM kufsi u geysteen haween iyo gabdho yaryar oo ka mid ah dadka Barakacayaasha ee ku nool magaalladda Muqdisho.

“Waxaan si taxadar leh u qiimeynaynaa Eedeymaha ku jira Warbixinta HRW iyo jawaabaha ay ka bixiyaan Dowladaha ay ciiddamadooda ku jiraan Hawlgalka AMISOM iyo jadwalka shaqo iyo tababaradda AMISOM” ayaa yiri Sarkaal u hadlay Maraykanka.

Sarkaalka waxa uu ugu baaqay Dowladda Somalia, Taliska AMISOM iyo Dowladaha ciiddankooda ka tirsan yihiin AMISOM inay baaritaanno buuxda ku sameeyaan Eedeymahaasi, lana soo maxkamadeeyo Askarta ay ku caddaato iyo Taliyayaashii u oggolaaday inay kufsadeen Haweenka Dhibanayaasha Soomaalida ah.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay diyaar u yihiin inay taageero ka geystaan Baaritaankaasi, haddii laga codsado, si loo xaqiijiyo inay Askarta Uganda iyo Burundi geysteen kufsi wadareed.

Dowladda Maraykanka oo bixisa kaalmadda ugu ballaaran ee la siiyo Hawlgalka AMISOM ayaa ku goodisay inay dib u eegi doonaan Taageeradda ay siiyaan AMISOM, haddii ay caddaato Warbixinta Human Rights Watch.

Dowladda Maraykanka waxay hawlgalka AMISOM horey ugu yaboohday in ka badan 340-million oo Dollar tan iyo markii uu Hawlgalka AMISOM ka bilowday dalka Somalia sannadkii 2007-dii.

Isha Wakaaladaha

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News