Xog: Khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli oo gaaray heer uu C/Weli ku hanjabo in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka Villa Somalia, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha Dalka C/weli Sheikh Axmed.

Khilaafka oo heerkii ugu sareeyay gaaray, ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay xil ka qaadista Aggaasimaha Hay’dda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sanbaloolshe iyo Mas’uuliyiin uu kamid ahaa C/kariin Guuleed oo isaguna Cadaadin kadib is-casilay.

Xubno ku sugan Villa Soomaaliya, ayaa noo sheegay in Khilaafka labada Mas’uul uu sii Xumaanayo, waxa ayna sheegayaan inuu gaaray heer Ra’isul wasaaraha uu ku goodiyo inuu xil ka qaadis ku sameynaayo Wasiiro ay kamid yihiin Faarax C/qaadir oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xassan Sheekh.

Waxaa sidoo kale Cabdi Weli oo ku hanjabay inuu xilka ka qaadi doono wasiirka arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax Barre, oo isna ku dhow madaxweynaha.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Ra’isul wasaare C/weli uu madaxweynaha u sheegay inuusan aqbaleyn in xilkiisa lagu fara-geliyo.

Dhanka kale, waxaa la soo warinayaa in Ra’isul wasaare C/weli uu diiday inuu Xasan Sheekh kala hadlo Arrimaha Golaha Wasiirada, waxaana la tilmaamayaa in labada Mas’uul ay ku tartamayaan kasbashada Xildhibaanada.

Madaxweynaha iyo Faarax Cabdulqaadir, ayaa iyagana dar-dar gelinaya mooshin ay kal hore wadeen oo qaboobay, balse ay iminka doonayaan in dib loo soo nooleeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com