Xildhibaan Shiiraar oo ka sheekeeyey dhacdo isaga iyo Faarax C/qaadir dhex martay oo darteed xabsiga loo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibraahim Cali Shiiraar, oo ay dhowaan ciidamada Nabad-sugiida ku xireen Muqdisho, ayaa ka sheekeeyey dhacdo isaga iyo Faarax Cabdulqaadir kala qabsatay oo keentay in xabsiga loo taxaabo.

Xildhibaan Shiiraar, oo ah guddoomiyaha xildhibaannada beelaha Mudullood, ayaa farriin uu soo diray oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, waxa uu u dhigay sidan:-

“Waxaan ka mid ahaa 115 Xildhibaan oo ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Iska casil shaqada ma wadi kartid billowgii sannadkan, Waxaa taas ii xigtay inaan beryahan dambe ku dhowaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Malintii leey xiray, habeenkii ka horreeyey ayaan tegay Guriga Ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayadoo ay fadhiyaan xubno sare oo ka mid ah Golaha Wasiirrada, kuwaasoo uu ku jiro Wasiir Faarax Cabdulqadir. Markaas Faarax wuxuu igu yiri “Xaggee ku magnayd beryahan, laguma aragee?, Jawaabtii anigoo Xildhiban ah aan siiyay waxay ahayd: “Waxaan ku maqanahay sidii aan Siyaasadda kaaga saari lahaa, maxaa yeelay waxaad ku noqotay Siyaasadda dalka cudurka Kansarka, in la gooyo mooyee xal kale ma leh.

Arrinkaas ayaa Wasiirka awoodda badan ee xad dhaafka uruursaday ka xanaajisey. Durba Wasiir Faarax wuxuu amray Agaasimaha Nabad-Sugidda Cabdullaahi Sanbaloolshe inuu i soo xiro, anigoo ah Xildhibaan Shiiraar. Waxaa hadda nasoo gaartey in Madaxweyne Xasan uusan ku qanacsanayn go’aanka Golaha Wasiirrada ku eryeen Sanbaloolshe,Hase yeeshee la arki donee waxa ay ku dhammaato?”

By Xildhiban Cabdiraxmaan Ibrahim Cali Shiiraar

Halkan ka daawo Video-ga Xildhibaan Shiiraar iyo sida Nabad-Sugidda ay u bah-dishay