Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)– Qarax xoogan ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay Isgooyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo lala Eegtay Gaari nooca Cabdi Bilaha loo yaqaan oo ay saarnaayeen Ciidamo taabacsanaa DF.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa Miino Nooca dhulka lagu Aaso oo lala damacsanaa Gaari Cabdi Bile ah oo marayay inta u dhaxeysa Isgooyska Banaadir iyo Isbitaal Madiina, hayeeshee ay Ciidamadaasi ka bad-baadeen.

Goobjooge u waramaayay Caasimada Online, ayaa inoo xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa mid dhacay kadib markii uu gaariga gudbay, waxa uuna sheegay goobjoogaha in Qaraxaasi uusan geysan wax Khasaaro ah.

Dhanka kale, Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray sida caadaduba aheyd Ciidamo ka tirsan DF kuwaasi oo goobta ka sameeyay baaritaano ay Ammaanka ku xaqiijinayeen, iyagoona halkaasi ku qabqabtay dad farabadan oo lagu Tuhmaayo inay Qaraxa wax ka Ogaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com