Qarax lala eegtay guddoomiyaha rugta ganacsatada Jubbooyinka: KISMAAYO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu maanta ka dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo, ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa Miino nooca Ramuudka laga hago oo lala eegtay Gaari uu watay Nin la sheegay inuu ahaa Gudoomiyaha Rugta Ganacsatada Gobolada Jubbooyinka.

Mid kamid ah dadka Deegaanka oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa mid aad u weynaa, balse uusan geysan Khasaaro.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Qaraxa lagu aasay Goob Ganacsi oo Shidaalka lagu iibiyo, kaasi oo Bur bur geestay.

Gaariga uu watay Mas’uulka la qarxiyay ayaa waxa ay Qaraxa kadib rasaas ooda uga qaadeen dad shacab ah oo la sheegay inay isticmaalayeen wadada uu qaraxa ka dhacay, waxaana la Tilmaamayaa in Rasaastaasi aysan waxyeeleen dadkii halkaasi ku sugnaa xiliga uu Qaraxa dhacaayay.

Dhanka kale, Maamulka KMG Jubba ayan weli ka hadlin Qaraxa lala eegtay La-taliyaha Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com