XOG: Damul-Jadiid oo isku Khilaafsan arrin muujineysa in xaal ku xun yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-xog-Ogaal oo ka tirsan Saraakiisha DAM-JADIID, ayaa inoo xaqiijiyay in Ururka uu isku Khilaafsan yahay Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Siyaasada Ururka iyo Caburinta Warbaahinta Madaxabanaan.

Ilo-wareedka ayaa inoo xaqiijiyay in Kullan ka dhacay Villa Somalia ay Saraakiisha Dam-Jadiid ku lafagureen Xaaladaha Dalka, gaar ahaan Saameynta ay Warbaahinta Madaxabanaan ay ku leedahay hoos u dhiga Siyaasada Dowlada Federaalka Somalia ee ururkaas dabaqsan.

Saraakiisha ayaa waxaa la sheegayaa in kulankooda ay ku kala qeybsameen kadib markii ay isku fahmi wayeen in albaabada loo laabo gabi ahaan Idaacadaha ku yaalla Magaaladda Muqdisho.

Saraakiisha qaar ayaa waxa ay soo jeediyeen in la xiro Idaacado dhowr ah oo ay kamid yihiin Kulmiye, Goobjoog, Risaala, Dalsan iyo Mustaqbal kuwaasi oo ay Dam-Jadiid ka aaminsan yihiin inay lid ku yihiin Hanaanka Siyaasadeed ee Ururka ama Dowlada Xassan Sheekh, waxa ayna ku tilmaameen Idaacadahaasi inay si gaar ah isha ula raacaan Arrimaha Khuseeya Ururka iyo Dowlada.

Waxay sidoo kale ka fekereen sidii laga yeeli lahaa website-yada ugu afka dheer kuwa Soomaalida, balse wax xal ah waa ay u waayeen, maadaama badankood laga qoro xafiisyo badan oo Soomaaliya iyo caalamka ku kala yaal.

Waxaa arrintaasi kasoo horjeestay Saraakiil kale oo Kullanka goobjoog ka ahaa kuwaasi oo soo jeediyay inaan lafaragalin Idaacadaha Madaxabanaan.

Kullanka oo qaatay ku dhawaad Seddex saac ayaa waxaa la sheegayaa inuu biyo dhac u noqday fashil iyo isfahan’waa, iyadoona ay ku kala dareeren fadhigooda.

Dhanka kale, Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in DF ay wado qorsho Cusub oo lagu xiraayo gabi ahaan Idaacadaha Magaalada Muqdisho markii laga reebo RadioMuqdisho oo kamid ah hantida Dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com