Waxaa Todobaadkan iyo kii ka horeeyay wadamo ka tirsan Yurub socdaal ku maraya Siyaasiga C/raxmaan Macallin Baadiyoow oo ka mid ahaa musharaxiintii ku hungoowday tartankii doorasho ee Soomaaliya ka dhacday Sep 10, 2012 ee Madaxweynaha Somalia loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.
C/raxmaan Baadiyoow oo ah aqoonyahan dhinaca Shareecada Islaamka ku dheereeya, Sarkaal dhinaca Booliska ah iyo Siyaasi damac kaga jira, fikradiisuna ku saleysan tahay in xukunka dalka qabsado urur diineedka Islaax oo xubin fir fircoon uu ka yahay si looga mira dhaliyo ujeedooyinka iyo hadafka ururkaasi.
Dr. C/raxmaan Baadiyoow oo hadda ku sugan wadanka Holland, wuxuu horay u soo maray dalka Swedan, wuxuuna kullamo kala war qaadasho uu la yeeshay Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee wadamadaasi ku nool si uu taageero ugu helo.
Ujeedada socdaalka Dr. C/raxmaan Baadiyoow, uu ku marayo wadamada Yurub qaarkood, si cad uma qeexin, marka laga reebo in uu kulamada uu Jaaliyada la qaadanayo ka sheego inuu yimid raadinta hannaankii dowladnimo oo maqan iyo bulsho isku duuban oo leh hadaf muuqda.
“Anigu waxaan gaar u rabo idiin kuguma imaan ogaada, waxaan idiin kuguma imid wax naga wada maqan oo wada raadineyno, waxaa naga maqan Dowladnimo Soomaaliyeed oo wada leenahay, oo sharafteenii iyo karaamadeenii soo celiso, 25 sano ka hor ayaa talo xumo nagu dhacday oo dowladnimadeenii burburinay, dowlad fiicana waan sameyn la’nahay ilaa hadda” ayuu yiri Dr. C/raxmaan Baadiyoow oo meesha ka saaray jiritaanka dowladnimada Soomaaliya ee hadda jirta.
Wuxuu sheegay in ujeedada socdaalka uu ku yimid Holland iyo Yurub in ay qeyb ka tahay sidii loo gaari lahaa nidaamka xisbiyada badan, isagoo si gaar ah ugu hadlay Xisbiga uu madaxda ka yahay ee Midnimo oo uu tilmaamay in uu u taagan yahay wax ka badalka nidaamka dowladnimada ee ku dhisan qabyaaladda.
Beesha caalamka iyo Dalalka daneeya arrimaha Somalia, gaar ahaan kuwa faragelinta ku haaya deganaanshaha Somalia waxay u arkaan siyaasiyiinta uu ka midka yahay C/raxmaan Baadiyow in xiligan aysan awood ku yeelan hoggaanka dalka Somalia, waxayna ula mid yihiin Hoggaamiyihii Masar ee xilka laga qaaday Mohamed Morsi oo ka tirsan urur diineedka ikhwaan muslimiin oo leh hadaf u gooni ah.
Akhristayaasheena waxaan usoo gudbin doonaa qoraalo aan kaga hadli doono Dr. C/raxmaan Baadiyoow iyo taariikhdiisa oo ku eegi doono bilow ilaa dhamaad, halgankii dheeree ee ururka Al-Islaax iyo hadafkii kaga aadanaa arrimaha Somalia, kala soco goor dhow Warfaafiye.com
Qore: Cali Muxiyaddiin Cali
Email: [email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid