FAALLO: Maxaan ka baranay DAGAAL siyaasadeedka DALKA SOOMAALIYA?

Siyaasadu wax la isa siiyo amaba la isu hibeeyo ma ahan ee waa Xisaab. Dabcan Xisaabtuna waa Science. Waad ku guulaysan kartaa Siyaasada laakiin guushaada siyaasada waa inaad si fiican ugu ciyaari kartaa ciyaarta siyaasada.

Meel ay siyaasada uga jirto weli lama arag in qofkii guusha siyaasada sameeyey uu qof kale ku qabsado guushaas siyaasadeed. Siyaasada Somalia waa wax is bedesha oo Dynamics ah, mana lahan meel ay sal dhigato oo ay ku negaato, waxaa u dhaqan ah is riix riix iyo weliba legdin marka la isla helo aan naxariis lahayn. Kooxaha siyaasada daneeya ee kala aragtida duwan ee ka jira Somalia qaarba si ayey u dhigtaan dabinka siyaasada, koox walibana si ay u maleegtaa siriqdaas siyaasadeed, walow aan cidina si dhab ah ugu guulaysan xarig jiidkaas siyaasadeed ee soo socday ilaa 1991.

Waxaan maqalaa muran siyaasadeed, waxaan maqalaa anigaa siyaasad ahaan degaanadaasi ii xirmaysan yihiin. Xam xamta iyo faqii hoose ee kulamadii siyaasada ee Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas iyo Raisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxay abuurtay tuhun siyaasadeed oo malaha jid-gooyooyin loogu dhiganayo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland taas oo marka laga soo tago heshiiskii ay kala saxiixden Federaalka iyo Puntland dibada soo dhigay in Raisul Wasaaruhu si hoose Madaxweynaha ula heshiiyey inuu ugu xirmeeyo qaabaynta siyaasadeed ee Federaalka.

Durba waxaa muuqday herdenka siyaasada ee lagu higsanayo 2016, xulida gudiyada madax banaan iyo ugu dambaynta Xildhibaanada waqtigaas meteli doona Barlamaanka Federaalka Soomaaliya cida iyana soo magacaabi doonta. Jilaabatadu waa is bar taqaan Xilli horena Soomaalidu burburkii ka dib siyaasada wax waa ku qaybsadeen waxaana laga bartay ninkii Daar quraarad ah ku jiraa inaanu dhagax ku tuurin guriyaha kale.

Haddii Jileec siyaasadeed iyo in cid meel laga riixan karo dadka qaarkii ku fekerayaan waxaan waaya aragnimada siyaasada ka baranay khibrada ah sida ay ugu dhamaato bar bar dhaca. Lama jafo geedka quraanjada leh. Waxaa fiican in si miyir leh wax loo agaasimo. Qof kastaa damac siyaasadeed waa leeyahay mase ahan damaca siyaasadu inuu kugu kiciyo duufaan siyaasadeed oo kugu keenta dagaal siyaasadeed oo aan waxba la isula harin.

Waan inay ogaadaan siyaasiyiinta qaarkeed in wax daaha gadaashiisa ku jira laga war-hayo, in la abaabuli karo ka badan intay wax abaabulayaan, mana ahan in dagaalka siyaasada loo xawilo meel aan hadhow laga dagaalami karin, Waxaa jira siyaasiyiin aan wax dan ah ka lahayn oo aannu jilba xirayn New Deal, Waxaa jira Siyaasiyiin aan dhiig bax siyaasadeed hayno oo aan u baahnayn dhiig joojin siyaasadeed. Haddii danahooda la qoryo qoryeeyo dano siyaasi kale qor qoryen kara. Waxaana siyaasada fadhi baradka ah ee Soomaaliya meel kasta ha joogtee ka baranay Qaniiyo siyaasadeed qaniiyo siyaasadeed kale ayaa kaa fujisa. Ninkii kabta faygeeda kaaga istaaga adiguna waa lagag istaagaa.

ROOBKA SOO QAWLOOW QAR-QARAY
QAAWANAANTAYDA MIYUU ARKAA
EE QUDHAYDA XAGEE LA GELI………..

W/Q: Cabdi Shakuur Mire Adam Cobol