Soohdimaha Federaalka – Hakad mise Joogsi? (Faallo uu qoray Yusuf Garad)

Ethiopia waa deris aan wax kala barannay. Marka laga soo tago erayo afkeenna ku milmay sida dooro iyo wanjal iyo qaar kale, waxyaabaha aan ka barannay waxaa ka mid ah nidaamka Federalka ee ku saleysan haybta. Oo aad mooddo in sidiisii loo soo min guuriyay marka laga tago in meeshii qowmiyad ahayd loo qaato qabiil.

Keenna Soomaaliya waxaan qabaa in haddi qabiil lagu saleeyo uu ka liidan doono kan Ethiopia. Waayo?

Dalka Ethiopia wuxuu ka kooban yahay in ka badan 80 qowmiyadood. Tirada guud ee dadka Ethiopia marka 4 loo qeybiyo, saddex qeybood waxaa ah afarta qowmiyadood ee dalkaas ugu waaweyn oo kala ah Oromo iyo Soomaali oo Kushutic isku ah iyo Amhara iyo Tigray oo Semetic ah.

Qowmiyad kasta oo iyadu af gooniya leh waxaa loo qoondeeyay in uu degaankeedu noqdo qeyb Federal ah oo dalka ka tirsan.

Tusaale Soomaalida oo ah qowmiyadda saddexaad ee ugu tiro badan Ethiopia, waxaa laga soo qaaday hal qowmiyad oo waxaa la siiyay hal Dowlad Goboleed oo  xarunteedu ay JigJiga tahay. Ogowna shanta beelood ee Soomaaliya ay siyaasadda qaar ku qeybsatay, shantuba Ethiopia wey deggen yihiin.

U fiirso Soomaalida Ethiopia waa qowmiyad Soomaali ahaan Dowlad Goboleed u wadaagtay.

Dooddeeydu ma aha Federaal ma noo fiican yahay mise maya? Mana aha ha la is hor taago. Su’aalahaas waxaa laga doodi doonaa maalinta la gaaro in cod loo qaado, Insha Allah.

Hadda dooddeydu waxay ku saleysan tahay in aan la isku khadlin qowmiyad iyo beel. Yaan Federaalkeenna hayb lagu saleyn ee degaan ha lagu saleeyo. Laba ama ka badan beelood ee degaan wadaaga, wey jiraane ha barteen in ay Dowlad Goboleed wadaagaan. Taas oo sahli doonta isdhexgalkooda iyo is fahamkooda mustaqbalka. Taas oo iyaduna mustaqbalka dhimi doonta coolaadaha.

Haa, waad u qaadan kartaa in aan ka hadlayo Mudug, weyna dhici kartaa in uu isagu i soo xasuusiyay. Ka muwaaddin ahaan xaq waan u leeyahay in aan ka dhiibto aragtideyda.

Laakiin Soomaaliyadaada ha ka dhigin Mudug uun. Marka la fiiriyo tirada guud ee qabaa’ilka isla deggan hal Gobol, waxaa Mudug ka qabiillo badan Galguduud iyo Hiiraan. Iyagana waxaa siyaasiyiintooda ka mid ah qaar u durbaan tumaya in soohdimaha hadda lagu saleeyo qabiil.

Waxyaabaha iga yaabiyay ee aan Xamar ku maqlay waxaa ka mid ah Matabaan ha laga gooyo Hiiraan oo ha lagu daro Galguduud? Waxaa kale oo aan maqlay Ceel-Dheer ha laga gooyo Galguduud oo ha lagu daro Shabeellada Dhexe. Maxaa dhacay?

Waxaan qabaa Gobollada Soomaaliya in loo daayo sida ay ahaayeen maalintii Dowladda Dhexe ay burburtay 1991. Kolley shacabku wa dulmane oo waxba lama weydiiyee, Gobolladii ay Madaxdoodu oggoshahay markaas Dowladda Federaalku ha aqbasho in ay is raacaan.

Miyaan la baran karin in qabiilku hakad mooyee aanuu joogsiaqoon? Haddii  Gobollada loo kala jarjaro beelaha dega, maanta halkaas wuu ku hakanayaa laakiin ma ku joogsan doonaa? Nidaamka Federaalka yaan laga dhigin, sida qabyaaladda, mid aan Joogsi lahayn.

Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay.

W/Q: Yuusuf Garaad 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid