FEDERAAL DOON VS FEDERAAL DIID !!

Muddooyinkii danbe waxaa la sheegaa in Soomaaliya ay tahay federal, inkastoo uusan wali dhaqan galin. In kastoo dad badan ay ka soo horjeedaan federalka, hadana waa wax  lagu heshiiyey oo xal la biday, oo waliba ay ogolaadeen golayaashii wakiilada eek u meel gaarka ahaa iyo kan hada jira oo aan asagu ku meel gaar ahayn.

Waxaa kaloo ayana xusid mudan in maanta dad badani u arkaan in federalka uu qabiil gaar ahi taageersanyahay halka qabiil kale oo asna gaar ahi uu ka soo horjeedo, sababuhu say doonaanba ha noqdaane. Ma jecli in aan halkaan ku qoro qabiilka lagu tilmaamo in uu aad u taageersanyahay federalka iyo kan ka soo hprjeeda toona, laakiin waxaan ogahay in dad badan oo ka soo jeeda qabiilka lagu xanto in ay taageeraan federalkam, ay kaba soo horjeedaan federalka.

Hadadaba bal aan is barbar dhigno faa’iidooyinka laga heli karo federalka iyo dhibaatoonka ka imaan kara federalka. Ayadoo uu faa’iido iyo khasaaro labadaba lee yahay waxaa ila batay khasaaraha uu u leeyahay bulshada soomaaliyeed oo wax badan wadaaga. Soomaalidu waxay wadaagaan ab iyo isir, waxay wadaagaan luuqad, waxay wadaagan diin, waxay wadaagaan dhaqan, waxay wadaagaan dhul ay adagagtahay in la kala jaro sida ay u adagtahay in luuqada soomaaliga la kala jaro oo dadku luuqadda ku kala tagaan.

Dhibta Fedelaku nagu yeelan karo

  1. Dhibta ugu horaysa oo federalku nagu yeelan karo waa ayadoo ayba adagtahay in la dhaqan galiyo, sababtoo ah, waxaa adag in laga jawaabo su’asha ah side dhulka soomaaliyeed u kala qaybinaa si gobalo federal ah loo helo.
  2. ma waxaan raacnaa labadii qaybood oo gumaytuhu nook ala qaybiyey, taasoo aysan ogolayn dadka soomaaliyeed ee degan dhulkii Takyaanigu gumaystaty, maadaama ay u arkaan ama ay tahayba in Soomaalida halkaa u badan tahay.
  3. Ma waxaan u kala qaybinaa qabiil taasoo ay adagatay in la heli dhul kaligiis qabiil gaar u leeyahay, maadaama Soomaalidu isla degan tahay meel walba haba lagu kala badnaado deegaanada qaarkoode. Tan kale qabiilku xagee ka bilowdaa xageese ku dhamaadaa. Wax dad ku hal qabiil u yaqaanaan baa waxay usii kala baxayaan dhoqr qabiil oo laga yaabo in xurguf u dhaxayso aysana waxba isku darsan Karin. Qabiilku waa sida basasha mana dhamaado marke ninkii dhaha qabiil ha lagu qaybsho federalka, way adagtahay in ay u hirgasho.
  4. Ma waxaan u kala qaybina 18 kii gobol oo Soomaaliya ahayd burburkii ka hor. Taasna laba caqabadood bay leedahay midi waxaa weeye ayadoo gobalada qaarkood aad u yaryaryiin aysana isku filnaan Karin khayrd ahaan tan kale qabaa’lka soomaaliyeed qaarbaa u arka 18kii gobal in hal reer u badanyahay oo sad bursi ahaan loogu magaacabay.
  5. Dhibta labaad labaad oo federalku Soomaalida ku yeelin karo ayaa ah in gobalada qaarkood ay u sii dhawaadaan in ay mustaqbalka dhow go’aan kadib markay awood dheeri ah helaan, kheyraad badana deegaanadooda kala soo baxaan.
  6. Dhibta sadexaad oo federakku Soomaaliya ku leeyahay ay ah ayadoo aan la halayn dawlad awood leh sida tii maxamed Siyaad Barre oo kale, taasoo ka sheeganayd dawladaha Africa kuwa gobalkuna ka baqi jireen. Sababta aan loo helayn dawlda awood leh ayaa ah ayadoo maamul gabaleed walba gaar ula istaagayo kheyraadkiisa u gaarkaa, midnimaduna xoogaa yaranayso. Dad badan baa tusaale u soo qaata in Maraykanku federal yahay dawlad adag iyo ciidan adagna leeyahay. Laakiin aynagu sida maraykanka maahin oo waxaan nahay umad qabyaalad iyo dagaal sokeeye ragaadiyey una baahan midnimo qaran.
  7. Ugu danbayn, dhinbta federalku nagu yeelan karo ayaa ah in wadamada dariskaa sida Itoobiya iyo Kenya ay fara-galin joogtaa nagu yeeshaan ayagoo hadba maamul-gobaleed dhagta wax ugu sheegaya. Iskuna keen dariya.

Faa’iidooyinka laga heli karo federalka

Haduuba hirgalo federalku waxaa laga heli karaa halkaan faa’iido oo hoos ku qoran waa aniga fikirkayga laga yaabo in faa’iidooyin kale jiraan

In la helo maamul baahsan oo gobalada soomaaliyeed si is le’eg u dhismaan, halkii awal caasimada kaliya ka dhismi jirtay. Maamul gobaleed kasta waxa uu yeelan doonaa caasumad aad u dhisanta oo xitaa laga yaabo in ay tartan la gasho caasumada soomaaliya. Tusaale fiican waxaa u ah sida ay u dhismeen magaaloonka Hargaysa iyo Garowe oo ka faa’iiday maamul gobalaeed kooda. Maamul gobaleedyada kalana sidaas oo kalay u dhismi lahaayen. Sababta keenaysa in maamulada hormaraan ayaa ah in kheyraada badankiisa ay isticmaaln ayagu marka laga reebo percentage yar oo dawldda dhexe qaadato. Tan kalae dadka deegaankaas ayaa maalgashanay dhulkooda intii ay caasumdda muqdisho aadi lahaayeen sida hadaba ka jirta Somaliland iyo Puntland.

W/Q:  Axmed Arab Yusuf

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid