29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

DF oo sii daysay hadal quus gelinaya shacabka Soomaaliyeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegtay in keydkii cuntada degdegga ahaa ee dalka uu gebi ahaanba faaruqay, xilli ay dalka ka jirto xaalad bini’aadantinimo oo daran.

Agaasimaha Guud ee SODMA, Maxamuud Macallin Cabdulle oo ka hadlayay halista xaaladda taagan ayaa ka digay in dowladda aysan awood u lahayn inay si wax-ku-ool ah u taakuleyso tirada sii kordheysa ee dadka ay abaartu saameysay.

Agaasime Cabdulle ayaa sheegay in bakhaarada hay’addu ay haawanayaan oo aysan oolin wax loogu gurmado bulshada Soomaaliyeed. “Ilaahay unbaa umaddan u maqan, ka bacdina culimada Soomaaliyeed, waa in dadka muslimiinta ah aad u gashaan oo runtii dadka loo gurmado,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay culimada Soomaaliyeed inay hoggaamiyaan abaabulka iyo taageerada shacabka ee wajahaya abaarta daran, gaajada iyo biyo la’aanta.

Tani waxay imaneysa xilli malaayiin dollar oo gargaar shisheeye ah hore loogu qoondeeyay in lagu taageero bulshooyinka ay abaartu ku sii xoogaysaneyso, uuna dhawaan Shiinuhu ku wareejiyay hay’adda SODMA hal milyan oo dollar oo loogu talagalay gurmadka abaaraha.

Hay’adda SODMA ayaa muddooyinkii dambe la kulmeysay eedeymo la xiriira maamul-xumo, musuqmaasuq iyo leexsashada gargaarka, taas oo hay’addu inta badan iska fogeyso.

Soomaaliya ayaa weli la tacaaleysa abaaro soo noqnoqday oo ka dhashay isbeddelka cimilada, kuwaas oo malaayiin qof geliyay xaalad cunto yari iyo nuglaansho.

Si kastaba, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ee SODMA ayaa ka digaysa in xaaladda hadda jirta ay sababi karto macluul haddii aan si degdeg ah loo helin gargaar ku filan.

- Advertisement -

Read more

Local News