Somali dhacdo yaab leh ka sameeyay Wisconsin

Muqdisho(Caasimada Online) – Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadal heysa dhacdo uu Muwaadin asalkiisu yahay Somalia ka sameeyay Gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka kaasi oo lagu magacaabo Ridwaan Maxamuud.

Muwaadinkaani oo sana jirkiisa lagu sheegay 17 Jir ayaa waxa uu Sanka feer kaga jabiyay Haweeney Bare ka aheyd Dusgiga Sare ee Southwest High School in Green Bay oo ku yaalla Gobalka Wisconsin ee dalka Maraykanka.

Ridwaan ayaa ka carooday Eray ay u adeegsatay Macalimada oo ahaa ”Ridwaan waxaa tahay shaqsi aad u fool-xun” kaasi oo ku dhaliyay in macalimada uu uga caana maalo feer, waxa uuna kaga dhuftay wajiga hore gaar ahaan Sanka, feerkaasi oo sababay in macalimadaasi uu ka jabo sanka.

Macalimada ayaa Eraygaasi ula jeeday Kaftan ay u muujineysay, balse Ridwaan waxa uu aad u dhibsaday Eraygaasi oo uu u arkay mid ka dhexsaari kara ardaydii Dugsiga la dhiganeysay bacdamaa loo adeegsaday Eray saameyn leh.

Soomaalida heysata dhalashada dalka Mareykanka ayaa inta badan dalkaasi ka geysta dhacdooyin layaab leh, waxa ayna badi u gacanqaadan macalimiinta waxbarta, iyada oo aan la garankarin sababta ku dhalisa inay gacan kala hortagaan macalimiintooda.

Docda kale, Ridwaan ayaa diiday inuu raali galin ka bixiyo dhacdadaasi, waxa ayna reerkiisu ku difaacayaan in wiilkooda uu aad u necebyahay Erayada saameynta ku yeelankara Jirkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com