Xog: SHARIIF XASAN oo qorshe saameyn yeelan doona la damacsan gobolka Bakool iyo walaac…

Muqdisho(Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu diyaarinaayo ciidamo ka hortaga maamulka cusub ee Xildhibaanada Ogaden ka sameeyen Gobolka Bakool.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Shariif Xassan uu Gobolkaasi ka howlgalin doono ciidamo Boolis ah oo dhawaan tababar loogu soo xiray Xerro ciidan oo ku taalla magaalada Baydhabo.

Ciidamada uu u diyaariyay Gobolka Bakool ayaa la sheegayaa in tirro ahaan ay gaarayaan ilaa 150 kuwaasi oo Boolis ah, waxa uuna ujeedku yahay inay qabsadaan gabi ahaan Gobolka Bakool.

Ciidamadaani ayaa ka hortagi doona dhaqdhaqaaqyo ay deegaanka Ceelbarde kawadaan ciidamo la sheegay in laga soo daabulay magaalada Kismaayo kuwaasi oo lagu dhiiragaliyay inay difaacdan maamulka Bakool sare.

Ciidamada uu diyaarinaayo Shariif Xassan ayaa lagu wadaa inay saldhiga ugu weyn ka dhigan doonaan deegaanka Ceelbarde oo ah halka laga laga wado agaasinka maamulka Bakool sare oo dhismihiisa looga soo horjeedo kan Koonfur Galbeed.

Ciidamada lagu wado in Shariif Xassan uu maalmaha soo socda u diro Gobolka Bakool ayaa waxaa hogaamin doona ilaa 6 Sargaal oo 3 kamid ah iminka ku sugan deegaanka Ceelbarde kuwaasi oo u gogol xaaraya Ciidamada gaari doona Bakool.

Geesta kale, cabsida ugu badan ayaa ah in Gobolka Bakool uu ka dhaco dagaal salka ku hayo dhul difaacasho, waxaana suuragal ah in dagaalka halkaasi ka dhici kara uu isku bedelo mid qabiil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com