DF SOMALIA oo ka jawaabtay go’aankii S/LAND

Muqdiso (Caasimada Online) – Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha JFS Mudane Cabdullaahi Xaaji Bashiir Ismaaciil oo safarkiisii Dibadda ku soo gaba-gabeeyey kormeer shaqo ayaa ku adkeeyey Dibloomaasiyiinta iyo howl-wadeennada kale ee Safaaradaha, Qunsuliyadaha Guud, iyo shaqaalaha socdaalka u jooga dibadda inay feejignaan iyo dedejinba ugu adeegaan dadka Soomaaliyeed ee ay shaqadooda JFS wakiilka uga yihiin.

Agaasimahu waxuu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan ilaalinta iyo sare u qaadidda sumcadda iyo dhowrsanaanta waraaqahoodda aqoonsiga iyo socdaalka taas oo kor u qaadaysa sharaftooda ummadaha kale dhexdooda, asagoo intaas ku daray in Baasaboorka Soomaaliya uu mid yahay, laguna tiriyo kuwa ugu dhowrsan uguna casrisan dunida, aysana jirin maanta cid been-abuuri karta, arrimahaas oo ay isku af-garteen dhammaan dalalka ay arrimaha socdaalka iskaashiga ka leeyihiin.

agaasAyadoo la soo dhawaynayo dadaal kasta oo maamul walba gudahiisa ka wado si loo sugo amniga iyo tirokoobka dadka gudaha Soomaaliya ku sugan muwaadiniin, ajnabi, shirkado, shaqadooda, iwm, diyaarna aan u nahay inaan gacan ka geysano, ayaa hadana waxaan marna la ogolayn in dadka la kala sooco, laguna mashquuliyo wax aan sax ahayn, adeegii danta iyo baahida dadweynahana la siyaasadeeyo, laguna raadiyo wax kale oo Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed wax loogu dhimayo, ha loo daayo wada hadal arrimaha siyaasadda, midda adeeggana aan ugu shaqayno dadkeena iyo dalkeena baahiyaha badan qaba. ayuu yiri Agaasimahu.

Sharciga Socdaalku waxuu aqoonsanyahay Jinsiyad, mana aqoonsana Isir, gobol ama beel, Qofka Soomaaliga ah warqad aqoonsi iyo gal xaas ama qoys ayuu ku yeelan karaa degmadii uu ku dhashay ama daggan yahay, Baasaboorna uma baahna dalka gudahiisa uu ku maro, lacagna loogama qaadi karo Baasaboorka Soomaali ahsoo galid iyo bixid (Entry Visa & Exit).

Waxaana Soomaalida uga digaynaa in waraaqo loogu sheegay Hoy-ku-Gal (Go Home) inta lacag looga qaato ay la yimaadaan garoomada iyo dekedaha dalka ayagoon ka imaan Dalka dibadiisa, kana soo qaadan waraaqahaas oo sax ah Safaaradaha JFS ay ku leedahay dibadda, oo marka hore xaqiijisa Soomaalinimada dadkaas, cidii waraaqo ka duwan lagu qabtana waxay mutaysan doontaa ciqaab, ayuu ku soo af-jaray hadalkiisii ku-xigeenka Agaasimaha Socdaalka & Jinsiyadaha Soomaaliya Mr. Abdullahi Hagi Bashir Ismail.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com