SOMALI LAGU DILAY KONFUR AFRIKA

Johannesburg (Caasimada Online)-Burcad South Afrikan ah ayaa labo qof oo Soomaali ah ku dishay meel ku dhow magaalada Johannesburg.

Dilka ayaa yimid markii kooxda burcadka ay weerar ku qaaday dukaan ay joogeyn labada wiil isla markaana ay dhaceyn, siddaas waxaa BBC-da u sheegay Cabdulaahi Maxamed Fakad oo milkiilaha dukaanka la weerarray.

Wuxuu sheegay in booliska ay soo gaareyn goobta dilka uu ka dhacay kuwaasoo baaritaan wada balse wuxuu muujiyay in wax rajo ah aaney ka muuqan.

Wuxuu sheegay oo kale in dukaanka laga dhacay lacag badan oo uu lahaa.

Meydka labada wiil ayaa la filayaa maanta oo Jimco ah in lagu aaso goobta lagu dilay, sidda uu lee yahay Cabdulaahi Fakat.

Waa dilal taxano ah oo lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika, mana jirto cid u is taagtay in la joojiyo dilalkaas.

Sidoo kale ma jirto cid soo qabata dadka dilalka u geesta Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com