25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Somalia iyo Kenya oo qoraal u rogay heshiiskii Farmaajo iyo Uhuru

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Isku Dhafka ah ee Iskaashiga laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa Shalay Nairobi ku yeeshay fadhigoodii ugu horreeyay tan iyo markii labada Madaxweyne ay heshiis taariikhi ah ku gaareen Nairobi bishii March.

Wadahadalka dhacay waxay ujeeddadiisu ahayd in qoraal loo rogo heshiiskii ay galeen labada Madaxweyne, in la eego waxyaabaha ilaa iyo hadda ka hirgalay heshiiska, in laga heshiiyo sidii loo meelmarin lahaa qodobbada dhimman iyo goorta iyo in la isla eego dhinacyo hor leh oo la iska kaashan karo.

Waxaa la isla qiray in uu hirgalay heshiiskii ahaa in dayaaradaha rakaabka ah ee ka yimaada Soomaaliya aan lagu khasbin in ay maraan Wajeer.

Waxaa kale oo la xusay in adeegsiga baasabboorrada diblomaatigga iyo kuwa shaqo si loogu tixgeliyo in aan Visa la’aan looga baahan.

Waxyaabaha hirgelintooda laga heshiiyay waxaa ka mid ah tababbarka kalkaaliyaasha caafimaadka, macallimiinta iyo shaqaalaha Dowladda.

Labada dhinac waxaa isku af garteen in laga shaqeeyso sidii loo sahli lahaa ka tallaabidda dadka ee soohdinta labada dal u dhexeysa iyo ka tallaabinta shixnahadaha iyo adeegyada.

Ugu dambeyntii waxaa la isku afgartay in shirka kan xiga ee Guddiga iskudhafka ah oo la sii xoojiyay xagga tirada hey’adaha ka qeyb gelaya lagu qabto magaalada Muqdisho wakhti ay labada dhinac isla garteen iyada oo loo marayo hannaanka diblomaasiyadda.

In doorashada Kenya oo ay ka hartay tobaneeyo maalmood ay Madaxda Kenya maalin dhan u fariistaan wadaxaajoodka Soomaaliya, waxay muujineysaa muhiimadda uu leeyahay xiriirka sii ballaaranaya ee ka dhexeeya labada dal. Tallabadaas oo aan si weyn uga mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Amina Mohamed.

W/Q Wasiirka arrimaha dibadda Somalia
Yuusuf Garaad

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News