Somalia iyo Masar oo heshiis cusub ku saxiixday Qaahira

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa waxay caasimadda dalkaasi ee Qaahir ku kala saxiixdeen heshiis is-faham (A memorandum of understanding -MOU).

Heshiiskan ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif iyo dhigiisa Masar, Dr. Cumaru Dalacat.

Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mustafa Al-Madbuuli ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiiskan is-fahamka ee gaareen labada dal, kaasi oo ku qotoma arrimaha iskaashiga culuunta Teknoolajiyada, Isgaarsiinta iyo Boostada ee labada Waddan.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmay, iyada oo wasiirka Teknoolajiyada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya uu ka qeyb-galay shirka wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee dalalka Carbeed oo ka qabsoomay magaaladda Qaahira ee dalka Masar.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa si weyn iskugu soo dhawaanaya kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqday Qaahira, halkaasi oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay dhiggiisa Cabdifataax al-Sisi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo koox wasiirro ah oo dhawaan safar ku tagay magaalada Qaahira ayaa sidoo kale halkaasi kusoo saxiixay heshiisyo ay Soomaaliya la gashay Masar.

Heshiisyadaasi waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Abshir Cumar Huruse, wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac.

Dowladda Masar waxay sanado badan saaxiib la aheyd Soomaaliya, laakiin waxay ku jirtay dowladihii ay xiriirkooda hoos iska dhigtay xukuumadii Farmaajo, balse dowladaan uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaa u muuqata mid Masar ku soo celineysa booskeedii saaxiibka dhow ee Soomaaliya.