24.9 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

Soomaaliya oo diiday shan qodob oo ka hor-imanaya diinta Islaamka oo ku jiray…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya oo bayaan culus soo saartay ayaa shaaca ka qaaday inay iska diiday qodobo ku jira Axdiga Xuquuqda Carruurta Afrika ee ay todobaadkii hore meel-mariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Qodobda ay diiday dawladda ayaa ka hor imaanaya Diinta Islaamka, sida ay sheegtay wasaaradda haweenka iyo xuquuqun insaanka oo soo saartay bayaanka soo baxay.

Wasaaradda ayaa caddaysay in Axdiga Xuquuqda Carruurta Afrika ee la ansixiyey ay ka reebtey qodobo doodda dhaliyay ee aan u wanaagsaneyn carruurta Soomaaliyeed, kuwaas oo ay kamid yhiin  mamnuucidda guurka ka yar 18-jirka iyo da’da qaangaadhka.

Waxaa kale oo ay wasaaraddu intaasi kusii dartay in go’aankan uu ku salaysan yahay “ilaalinta madaxbannaanida sharciga ee dalka, ixtiraamka Diinta Islaamka, iyo ilaalinta dhaqanka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed”

Arrintan ayaa ku timid, kadib markii dib-u-eegis qoto-dheer lagu sameeyay qodobada qaar oo halis ku ahaa diinta dhaqanka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed.

Axdigan ayaa waxaa horay uga soo gudbay Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kadibna waxaa todobaadkii hore ansixiyay Golaha Shacabka, wuxuuna sidaas ugu sii gudbay Aqalka Sare, iyada oo taasina ay keentay in walaac badan laga muujinayo qodobada qaar ee axdiga.

Xildhibaan Saadaam oo kamid ahaa xubnihii diidan axdigan ayaa sheegay inuu ka hor imaanayo diinta Islaamka, isla markaana ay ku jiraan qodobo halis ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Ra’iisul-wasaare Xamze oo na dhahayey Siyaasadda inaa ku janno tago ayaan usoo galay maanta xafiiskiisa waxaa soo maray sharci dhahaya cunugga yar ee aan qaan-gaarin Diinta uu rabo ayuu qaadan karaa” ayuu yiri xildhibaan Saadaam oo kasoo horjeestay sharciga.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Annaga oo dood sharci qabna ayaa guddooomiyuhu ansixii ku dhuftay, waana wax laga xumaado oo sharci darro ah, waxayna hormuud u tahay sharciyada ay rabaan inay ansaxsadaan oo uu ugu horreeyo dastuurka”.

Dhankeeda, Xildhibaan Sareeda Cabdalle ayaa taageertay meel marinta Axdiga Afrika ee Xaquuqda iyo Barbaarinta Carruurta, waxayna ku dooday inuu muhiim u yahay carruurta Soomaaliyeed.

“Dalkeenna waa muslim asalna waxaa u ah diinta Islaamka, balse waxaa rabnaa in ilmaheenna ay la jaan qaadaan kuwa Afrika iyo adduunka, wixii qaldan oo annaga dhaqankeenna ahayn waa la sixi karaa” ayay iyaduna tiri Xildhibaan Sareeda.

- Advertisement -

Read more

Local News