Somalia oo laga yaabo in sannadkan aan XAJKA laga aadin hal sabab darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu jiro khilaaf dhinaca duulimaadka oo u dhexeeya diyaaradaha sanadkan Xujeyda Soomaaliyeed u qaadaya dalka Sacuudiga, ayaa waxaa soo baxaaya digniin laga muujinaayo khilaafkaasi.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee BFS ayaa sheegay inuu aad uga cabsi qabo in khilaafkaasi uu saameyn xoogan ku yeesho Soomaalida.

Waxa uu tilmaamay in murankaasi uu sababi karo in gabi ahaan dowladda Sucuudigu ay mamnuucdo diyaaradaha ka imaanaya Soomaaliya, maadaama qaarkood aysan ka diwaangashaneyn dalkaasi.

Xildhibaan Dalxa ayaa ka digay in sanadkan Xujeyda Soomaaliyeed ay ka baaqdaan gudashada Acmaasha Xajka, waxa uuna dowlada Somalia ugu baaqay inay yareysato khilaafka jira.

“Dowlada waxaan u sheegayaa inta ay wakhti xun oran laheyd sidaa ma fileynin waxaa hada u furan inay xal u raadiso khilaafka jira oo sabab u noqon kara in sanadkaan aan Somalia laga aadin xajka”.

Sidoo kale, Dalxa ayaa tilmaamay inuu aad u dhaliilsan yahay sida jilicsanaanta leh oo dowlada Somalia ay ku dooneyso inay ku xoojiso wada shaqeynta Sacuudiga, xili ay dhibaatooyin xad dhaaf ah Soomaalida u cibaada doonta Sacuudiga la kulmaan.

Haddalka Dalxa ayaa u muuqanaaya mid wakhti hore lagu sii baraarujinaayo dowlada Somalia oo caajis uu ka heysto xalinta khilaafka duulimaadyada Somalia ee Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com