Dhageyso ururka ONLF oo sheegay in Qalbi Dhagax uu tagayo Somalia marka…

Asmara (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa ka hadlay qorshaha Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax, oo hadda Nairobi ku sugan iyo haddiii laga yaabo inuu tago dalka Soomaaliya, oo ah halkii dowladda Ethiopia looga dhiibay sanad ka hor.

Afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge oo wareysi siiyey VOA, ayaa sheegay in Qalbi-Dhagax uusan Soomaaliya ku laaban doonin inta dowladda iminka jirta ee madaxweyne Farmaajo ay dalka maamuleyso.

“Dowladda hadda jirta waa tii gacanta u gelisay Qalbi-Dhagax, mana tagayo dalka illaa ay meesha ka baxaan” ayuu Hirmooge ku yiri wareysigiisa.

Hirmooge ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay tahay mid amarada ka qaadata, oo casharada looga meeriyo safaaradda Ethiopia ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Hirmooge waxa uu soo dhoweeyey go’aanka dowladda Ethiopia ay ONLF uga saartay liiska argagixisada, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in golaha wasiirada Soomaaliya ay ONLF horey ugu sheegeen urur argagixiso.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadal sii daynta Qalbi-Dhagax, waxaana jira warar sheegaya inay waddo dadaallo ay kula xiriireyso Qalbi-Dhagax, si wixii horey u dhacay ay uga qanciso.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com