Mareykanka oo JABUUTI kala saftay shirkadda DP World iyo IMAARAADKA

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay in shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta weyso saamiga ay ku laheyd Dekadda Doorale ee dalka Djibouti.

Mareykanka ayaa sheegay in dhabar jab iyo qorsho xumo ay u horseedi doonto, haddii Jabouti ay dekadaheeda u gacan galiso dowlada Shiinaha oo awoodeeda ganacsi kusii baahineysa Africa.

Mareykanka ayaa aad uga soo horjeeda in dowlada Shiinaha ay la wareegto dhismooyinka iyo Dekadaha qarada madow ee Africa, waxa ayna Jabouti ku dhaliishay inay ku tacadisay shirkada DP World.

Bradley Byrne oo ah Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka, ayaa sheegay in arrin aad u fool-xun ay tahay in DP World laga faramaroojiyo maamulka Dekadda Doorale ee dalka Jabouti.

Bradley Byrne waxa uu sheegay in dhibaato kusoo fool leh ay tahay dadaalka uu Shiinaha ugu jiro la wareegida Africa, waxa uuna ku baaqay in laga fogaado la midoobida Shiinaha.

Bradley Byrne ayaa sidoo kale sheegay in hoos u dhac uu ku imaanayo saameynta uu Mareykanka ku leeyahay qaarada Africa, waxa uuna ku baaqay in Jabouti ay u dhago furto DP World.

Sidoo kale, waxa uu Xildhibaan Bradley Byrne cadeeyay inay qaadi doonaan ololo kadhan ah dowlada Shiinaha, si looga xakameeyo Africa.

Shirkada DP World oo laga soo eryay Dekadda Doorale ee dalka Djibouti, ayaa ku dadaaleysa sida ay dib ula wareegi laheyd Dekadaha kale ee Jabouti.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com