Xog: Wasiiro ka socday DF oo xalay la kulmay Qalbi Dhagax (Yaa ka mid ah?)

Nairobi (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax, oo horey ay dowladda ugu gacan gelisay Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in xubnaha ka socday dowladda uu hogaaminayey wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad, oo kasoo jeeda beesha Qalbi-Dhagax ee Ogaadeen. Waxaa ku wehliyey xildhibaano iyo wasiiro ku xigeeno.

Xubnaha dowladda ayaa waxaa sidoo kale wehliyey siyaasi Farax Macalin oo horey Barlamanka Kenya Afhayeen uga soo noqdey, islamarkaana ka mid ah taageerayaasha dowladsa Soomaaliya.

Faarax Macallin, oo aad ugu dhow Villa Somalia, ayaa la rumeysan yahay inuu kasoo shaqeeyey kulanka, islamarkaana ka dhaadhiciyey in Qalbi Dhagax aqbalo la kulanka mas’uuliyiinta ka socotey dowlada Federalka.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa kulanka looga hadlay iyo wixii kasoo baxay midna.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaal xooggan oo ay ku yaraneyso dhaawaca kasoo gaaray sii daynta Qalbi-Dhagax, waxaana suurtagal ah in labada dhinac ay gaaraan heshiis.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxay kala kulantey Culeys siyasadeed soo daynta Qalbi Dhagax iyadoo hadal dhowaan uu jeediyey safiirka dalka Ethiopia u fadhiya Muqdisho ku sheegey in sii daynta sarkaalkaan ka tirsanaa ururka ONLF timid kadib markii codsi kaga yimid wadankiisa Villa Somalia.

Cabdikarim Shiikh Muuse ayaan weli cadeyn dadkii ka dambeeyey dhiibistiisa isagoo hadal kooban uu ka jeediyey Addis Ababa aan si faahfaahsan u sheegin qabashadiisa iyo shaqsiyaadkii ka shaqeeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com