Qarax labaad oo Muqdisho ka dhacay iyo maleeshiyo gudaha u galay wasaarada arrimaha gudaha

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax labaad jugtiisa ayaa markale goordhow la maqlay kaas oo ka dhacay meel aan ka fogeyn halka markii hore uu ka dhacay ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha,waxana sidoo kale weli dhaceysa rasaas.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan oo gaaraya ilaa Saddex ay gudaha u galeen Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo ku yaalla Xaruntii hore ee Oto Oto oo ku dhegan isgoyska Sayidka.

Warakii ugu dambeeyey ayaa sheegayo inuu dagaal culus dhex marayo ciidamadi gudaha u galay iyo kuwa ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Jidadka Makka Al-Mukarama ayaa la xiray iyadoo laga cabsi qabo inay dhacaan qaraxyo kale, waxaana lama filaan noqotay in la galo wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ah meel aad loo ilaaliyo isla markaasna aan loo ogoleyn baabuur aan aheyn kuwa dowladda.

Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Oto Oto ayaa ku dhow nawaaxiga isgoyska Sayidka, halkaasoo ay taal Koontarool ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, waana koontaroolka ugu horeeya ee laga sugo amniga Madaxtooyada.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa aheyd mid deganeyd bilihii la soo dhaafay, iyadoo bishii Ramadaan aanay magaalada ka dhicin qaraxyadii dhici jiray, kaddib markii ciidamada ammaanka ay adkeeyeen ammaanka magaalada.

Uurada qaraxa ayaa cirka isku-shareertay,waxaana sidoo kale ku sii qul qulaya Gawaarida gurmadka deg dega ee ambalaasta.

Wuxuu warar ah ee kusoo kordha waa indinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.