Wararkii ugu dambeeyey weerarka xarunta Oto Oto iyo shaqaale geeriyooday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taal xarunta 888 ama Oto Oto ayaa sheegayo inay socoto rasaas culus oo u dhaxeyso ciidamadii weerarka soo qaaday iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Sida ay noo xaqiijiyeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha inta badan shaqaalihii wasaaradda Amniga iyo Arrimaha Gudaha ayaa badbaaday kadib markii ay ka boodeen qeybta dambe ee wasaaradda.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan oo gaaraya ilaa Saddex ay gudaha u galeen Xarunta Wasaaradda,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha  oo lagu magacaabo Ilkase isla markaasna ahaan jiray xogheyntii Odawaa ayaa la xaqiijiyey in uu geeriyooday halka laba kale ay dhaawacmeen.

Sidoo kale waxaa jiro gabar ka tirsaneyd wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dabaqa iska soo tuurtay isla markaasna sidaas ku geeriyootay.

Waxaa jiro dhaawac kale oo soo gaaray Shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha mana jirto ilaa hadda tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhacay Wasaaradda.