25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Somalia oo lagu qeybinayo V/Somalia: Qandaraaska Xasan Sh. iyo reer Land

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ugu horeyn waxaan halkaan ka salaamayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed. waxaan marka xigto tacsi udirayaa umada soomaaliyeed meel kasto oo eey joogaan.

Waxaan kaga tacasiyadeynayaa musatqbalkii wadanka iyo aayatiinkii qaranaka oo lumay ama sakaraad ah oo mar dhaw la aasi doono.

Waxaan sidaas uleeyahay waxa weeye siyaasada guracan iyo mustaqbalkii qaranka oo gacanta ugalay koox gaar ah, dad aan mudneyn ama udiyaarsaneyn heyklaka iyo hanaan dowladeed.

Masiirkii Soomaaliya ayaa waxaa lagu qeybinayaa Villa Somaaliya waxaana dalaal iyo mulaal ka ah madaxada dowlada Ugu sarreeysa iyo gudoomiya yaasha gobolada ee isu magacaabay Madaxweynayaal.

Waxaa arin lala yaabo ah misana su’aal ah soomaaliya ma hal dowlad baa ka jirta mise dowlado fara badan?
Waxaan warbaahinta ka maqalanaa dowlda Soomaaliya, dowlda Puntland. dowlada Jubba lanad, Dowlada Koonfurgalbeed land, haddii eey sidaas tahay xasan sheekh yuu maamulaa yuuna madaxweyne uyahay waa su’aal iyana meesh ku jirta.

Waxaan la soconaa in uu wadanku ku jiro marxalad siyaasadeed oo adag sidaasoo eey tahay waxaa wanaagsan in wax yaaba badan leeysu soo jiido walow eey hadana adag tahay qof kastaaba in la qanciyo, haddana waxaa lagama maar maan ah wixii caqabad ka imaan kara la xaliyo.

Waxaa iyana meesha ku jirta in qaladaadkii horre u dhacay cashar laga qaato, si eeysan u dhicin fashil siyaasadeed oo waxa dhisan dumiya.

Sidaan wada ognahay dowlada haddeer dhisan ee 3 sano jirsatay inuu waqti badan ka lumay ugana lumay bilaa macno iyo khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyey madaxda qaranka taasoo keentay habacsanaan iyo dayacid masuuliyadeed.

Sidaan wada ogsoonahay dowlada waxaa u haray waa dhowr bilood, waxa horyaalana waa howl badan, mana umaleeynaayo in eey ku dhameyn doonto waqtigaas kooban.

Dowlda howlaha looga fadhiyo waxaa ka mida ah sida soo socoto.

1. Dhameestirka iyo qaabeeynta Dastuurka qabyada ah
2. Dhisida iyo Fududeynta maamulda dhiman
3. Xadeynta Soohdimaha federaalka
4. Afti loo qaado Dastuurka
5. Qeexida Federaalka aan qaadaneeyno nuuca uu yahay
6. Qeexid awooda dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyda
7. Qeexida qeybsiga dhaqaale
8. Dhisida gudi madaxbanaan oo diyaariya doorshada 2016 waa hadeeyba suura gasho.
9. Dhisida ciidamada qalabka sida noocyadooda kala duwan
10.Dhisida kaaba yaasha dhaqaale iyo hey adaha dowliga qeeybahooda kala duwan intaas iyo inkaloo badan.
Dowlada intaasoo howl iyo waqtiga eey heysato oo aad u yar ilama ahan in lagaaari doono 2016 doorasha xur ah oo qof iyo cod ah.

Waxaa taasi kaaga sii daran dowlada meeshii laga rabay ineey lug horay usii qaado aayee waxeey hadane abuureysaa mushkilado badan oo mugdi gelinkaro hiigsiga 2016.

waxaa wada ogsoonnahay dowladaan maantay dhisan dastuurka eey ku shaqeyneeyso waxaa diyaariyey ama uu ka soo baxay heshiis 4 geesood ah oo u dhaxeeye maamullada kala ah.

1 – Dowdladii kumeel gaarka aheeyd 2 – Galmudug 3 – Puntland 4 – Ahlu-Sunna Waljamaaca, sidaasoo eey tahay dowlada tixgelin ma eey siin saxiixayaashii Road Map ka qeybo kamida weliba ayadoon ka qeyb gelin heshiisyada caalamiga ah ama kuwa masiirka soomaaliya looga hadlaayo, taasina waxeey keeni kartaa caqabad hor leh.

Dowlada caqabadaha horyaalo oo eey sameeysatay waxaa kamid ah ayadoo dhinac martay dastuurka eey ku shaqeyso, dastuurkaasoo cadeynaya qaabka maamul goboleedka usameysmayo iyo dowlda howsha kaga aadan.

Dastuurku waxa uu qorayaa maamul goboleed waxaa noqon kara 2 gobal iyo waxii ka badan sidaasoo eey tahay dowlada waa eey dhinac martay oo meeshii larabay in gobolada leeysu keeno ayeey waxeey ka shaqeysay in gobolada qaar laka jaro taasoo keeni karta caqabad.

Dastuurka waxuu qeexayaa dowada howsha kaga aadan maamulada sameysmayo, waxuu leeyahay dowladu howsheeda waa fududeeyn iyo qarash oo eey ku caawinto maamulda sameysmayo.

Talo
1. Waxaan madaxda dowlada kula talinyaa waqtiga yar ee uharay ineey la yimaadaan fir fircoon iyo wada shaqeyn

2. Waa ineey Ka fogaadaan wax kasto oo khilaaf dhalin karo.

3. waa ineey dardar geliyaan maamulada harsan sida midka gobolada dhex.

4. Waa ineey u hogaansamaan dastuurka wadanka uyaal eeyn dulqaad yeeshaan.

Waxaa qoray: Cali Ammaan Ibraahim Xaaji

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News