DHAQAN soo jireen ah oo xuduudaha jabsaday (Falaadka Mungaab) + Sawiro

Jabsiga, Cunista,iyo Marsiga Bunka waa caado iyo hab dhaqan soo jireen ah, oo qaar badan oo ka mid ah shucuubta Soomaaliyeed ay si gooni ah u xiiseeyaan. Bulsho ahaan dadka caanka ku ah isticmaalka Bunka ayaa rumaysan Carafta iyo Udgoonka Bunka in ay tahay mid lagu Raaxaysto, qof walbaana uu ka heli karo carafta gaarka ah ee Bunka lagu yaqaano marka la dubo.

Siyaabo kala duwan, oo haddana isku dhow-dhow ayaa loo marsadaa Bunka , hase yeeshee isticmaalka guud ee Bunka, waa laga wada siman yahay, waxaana la xaqiijiayay dadka marsada Bunka inay ka Dhogor (Muuqaal) iyo Jir Qurux badan yihiin, inta aan aqoonin faa,iidada ay leeedahay marsiga saliida ama sixinta Bunka iyo kuwa ku faanaya inay qabatimeen marsiga (Caremo) Kareemooyinka jirka.

mungab-kay-bunIdil ahaan, miyiga goboladda K/Soomaaliya waxa ugu weyn ee la isku Martiqaado isla markaana la isku Sharfo waa Bunka, waxaana dhab ah haddiI ay marti timaado miyiga Goboladdaasi, gaar ahaan dhulalka loo yaqaano Deexda, Dooyga, Carro Madowga iyo kuwa Jiqda ah waxa ugu horreeya ee la isku sooryeeynayo,( waaa Bunka) oo la soo raaciyo Cambuulo, Daango, Shaah, Qaxwo, Caano iyo waxii kale ee ay reerku heli karaan.

Akhyaarta reer Magaalka ah, ee ku nool Magaalooyinka waa-weyn ayaa marka aad kala sheekeysato isticmaalka alaabta loo yaqaano Bunka, waxey kuu sheeegayaan in cunista Bunka uu si aad ah ugu baxayo “habeennada Jimcaha ah” ama maalinta Jimcaha ah, sidaasi daaraadeed, Waxaa caadi noqotay in cawa kastoo Jimca ah in Jilib Diir aad u fara badan ay fadhido gogoshii ay Bunka ku cuni lahaayeen.

Bun-amisom-300x225Waxaan ogaanay in Bunka jabsigiisa,cunisrtiisa iyo marsigiisaba ka tallaabay xudduudihii loo yaqiin oo maanta meel walba ay maryooleey joogto, laga isticmaalo. Middaasina waa u Sharaf ummadda, waxeyna muujineysaa ummad dhaqankeeda dhawratay,Weliba Bunka keliya maahee, waxaa la socdo (KURBIN,XEERO,FANDHAAL,QARSIN IWM), waxaana Bunka garab socdo Falfaliir, Cambuulo diir, ama Mesego ama Galleey.iyo Daango.
Intaas kadib waxaan u hambalyeeynaayo inta taaqaano isticmaalka Bunka,Xushmadda uu leeyahayna taqaan ayaan ugu danbayntii waxaan leeyahay akhyaarta jimcayaasha Bunka cunaysa ALLAHA idiin Daaweeyo, oo Sama wanaagsan ku cuna, waxaana idiin rajaynayaa Cimri dheer iyo Cibaado suuban, Ballanteenuna ha ahaato ALLAA bad-baado lehee aan badsano Jabsiga iyo Cunista Bunka.

qado-liido

Waxaa Qoray: Shiiqaaloow Xasan