Somalia oo markale safka hore ka gashay dalalka ugu musuqa badan caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo ka soo baxday hay’adda Transparency International ayaa waxaa markale lagu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka gashay wadamada ugu musuq-maasuqa badan Caalamka.

Transparency International ayaa warbixinteeda sanadlaha ah ku sheegtay in Soomaaliya ay hoggaamineyso wadamada uu la degay musuqa, iyadoo la timid 10%.

Sidoo kale waxa ay sheegtay inay ku soo xigaan dalalka Sudan, South Sudan, Guinea Bissau, Yemen, Equatorial Guinea, Syria, Afghanistan, Liby iyo North Korea.

Dhinaca kale warbixintaan ayaa waxaa lagu kala qeybiyay dalalka horumarka ka gaaray la dagaallanka musuq-maasuqa, kuwa musuq la’aanta ah.

Denmark ayaa noqotay dalka ugu horreeya ee la dagaalama musuqa, iyadoona wadamada Mareykanka, Hungary, iyo Brazil loo aqoonsaday kuwo musuqa uu ku kordhayo, loona baahanyahay in isha lagu hayo, si wax looga qabto.

Ugu dambeyn warbixinta hay’adda Transparency International ayaa lagu sheegay in wadamada aadka ula dagaalamaya musuq-maasuqa ee hadda soo kabanaya ay kala yihiin Estonia, Ivory Coast, Senegal, Guyana, Australia, Chile, Malta iyo Mexico.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda Maaliyada ayaa mar weliba cel-celiso inay la dagaalanto musuq-maasuqa, islamarkaana Soomaaliya aysan aheyn sidii hore, iyadoona dhowaan wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu sheegay inay la xisaabtami doonaan hay’ado uu sheegay inay warbixino been abuur ah ka gudbiyaan Soomaaliya.