DF oo soo saartay digniin ku socota shirkadaha ajnabiga ah ee dalka ka hawl-gala

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay digniin u jeedisay shirkadaha shisheeye ee dalka ka hawlgala, gaar ahaan kuwooda sida sharci darrada ah dalka uga shaqeeya.

Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan shirkado sifo aan sharci ahayn dalka uga hawlgala, isagoona uga digay inay ka waan-toobi waayaan.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono shirkadaha ajaaniibta ah, ee sida sharci darrada ah dalka uga hawlgala.

“Tallaabo ayaa laga qaadi doonna shirkadaha ajanabiga ah ee sida sharci darrada uga hawlgala dalka.” Ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Somaliya oo maanta Warbaahinta la hadlay.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu ka dhawaajiyay inay la xisaabtami doonaan shirkadaha dalalka shisheeye laga leeyahay, ee bilaa sharciga u jooggo Soomaaliya.

Waa digniintii ugu adkeyd oo Wasiirka Ganacsiga u jeediyo shirkadaha dalalka shisheeye laga leeyahay, waxaanse la garanayn sida awaamiirta ka soo baxday ay ku dhaqangeli doonto