Somalia oo shidaal laga baarayo kadib heshiis ay DFS la gashay shirkadda…

Dubai (Caasimada Online) – Wasaaradda shidaalka iyo macdanta ee dowladda federaalka Somalia, ayaa heshiis cusub oo shidaal la gashay shirkad fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta.

Shirkadda ay dowladda heshiiska la gashay waxaa lugu magacaaba Mubadala, waxaana la sheegay inay ku wanagsan-tahay sahminta shidalka iyo hubiinta goobaha shidaalka uu ku jiro.

Heshiiska cusub waxaa uu u dhacay hab saddex geesod ah, waxaana la sheegay in ay isku af-garteen dowladaha Imaaradka Carabta, Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Mubadala in shirkadda ay qayb ka qaadato sidii loo sahmin lahaa goobaha shidaalka ee Soomaaliya iyo in ay ka qayb qaadato qorshaha qodista haddii shidaal laga helo Soomaaliya.

Daa’uud Maxamed Cumar oo ah wasiirka xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan macdanta iyo shidaalka ayaa dhankiisa sheegay in wadaagga xogaha ku saabsan shidaalka iyo macdanta Soomaaliya ay qayb ka yihiin heshiiska la kala saxiixday.

Wasiirka macdanta iyo shidaalka Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay in shirkadda Mubadala ay qayb weyn ka qaadan doonto awood siinta iyo horumarinta waxqabadka shaqaalaha wasaaradda iyo horumarinta wax ka ogaanshaha macdanta Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan shirkadda Mubadala oo lugu magacaabo Musabbeh Al-Kaabi, ayaa sheegay in heshiiskaan muhiimka ah uu qayb ka cayaari doono naqshadeynta xog is dhaafsi ku saabsan qaabkii magaalada Abu Dhabi ay ku maalgalisay waaxda shidaalka oo ay ku gaartay halka ay maanta joogto.

Al-Kaabi, ayaa inta ku daray shirkadda shidaalka ee Mubadala ay billaabi doonto xiriir qoto dheer oo ay la yeelaneyso wasaaradda macdanta iyo shidaalka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhulka Soomaaliya ayaa la aamin-san yahay inuu hodan ku yahay shidaalka iyo macdanta, inkasto dalka uu yahay midka dunidda ugu hooseya dhinaca dhaqaalaha, maadaama ay la hareen colaado iyo xasilooni dari.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
caasimada@live.com