Somalia R/Wasaare noocee ah ayey u baahan tahay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii Sabtidii xil-ka laga tuuray ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa waxaa isa-soo taraya baaqyada kala duwan ee loo dirayo madaxweynaha Soomaaliya ee ku aadan ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabayo.

Aqoonyahanada iyo dadka falan-qeeya arrimaha siyaasadda ayaa tilmaamaya in loo baahan yahay is-bedal dhanka xukuumadda ah, taas oo loo wajahayo qaab ka duwan qaababkii hore ee loo soo dhisi jiray xukuumadihii soo maray dalka.

Haddaba ra’iisul wasaare noocee ah ayey xilligan u baahan tahay Soomaaliya?.

Prof. Cabdiraxmaan Daqare oo ka mid ah aqooyahanada Soomaaliyeed, islamarkaana si aad ah ula socda xaaladda dalka ayaa qaba in Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay ra’iisul wasaare aqoon leh, waayo arag ah, islamarkaana wax ka yaqaana nidaamka dowladnimada.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in ra’iisul wasaaraha uu soo xulayo uu noqdo mid dal joog ah oo la socda xaaladda wadanka, waxna ku bartay.

Daqare ayaa sidoo kale intaasi ku daray in xuttaa loo baahan yahay in golaha wasiirada ay noqdaan siyaasiyiin xog-ogaal ah, islamarkaana aan ka bixin dalka.

“Waxaan ku talineynaa in ra’iisul wasaaraha la soo xuli doono kow inuu noqdo qof aqooyahan ah, labo inuu noqdo qof ku soo shaqeeyey nidaamka dowladeed, waxna ku soo bartay gudaha dalka, sidoo kale xubnaha golaha wasiirada waxaana uga fadhinaa in laga soo dhex qabto siyaasiyiinta xog-ogaal ah ee dalka jooga.” ayuu yiri Prof. Daqare.

Shalay ayey aheyd markii la riday xukuumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, kadib markii ay codka kalsoonida kala noqdeen illaa 170 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo si KMG ah xil-kaas ugu magacaabay inuu sii hayo, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa haatan looga fadhiyaa inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, kadib go’ankii Golaha Shacabka Soomaaliya.