Soomaaliya oo Turkiga ugu hambalyeysay arrin dalalka Carabta qaar ku dhaliileen

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay dowladda Turkiga iyo shacabkeeda, iyadoo ugu hambalyeysay furitaanka masjidka weyn ee Hagia Sophia oo horay u ahaa madxaf ku yaal magaalada Istanbul.

Masjidkaas ayaa furitaankiisa muran badan dhaliyay oo dowladdaha reer galbeedka iyo kuwa Carabta oo Sacuudiga iyo Imaaraadka ugu horeeyaan ay ku dhaliileen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

“Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Somalia waxay u hambalyeyneysaa guud ahaan dunida muslimka ah, gaar ahaan shacabka walaalaheena Turkiga, qaadashada go’aanka ah in dib loogu celiyo xaruntiisii hore masjidka Hagia Sophia,” ayay ku soo qortay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Somalia barteeda Twitter.

Masjidka Hagia Sophia ayaa waxaa markii ugu horreysay dhisay Boqortooyadii Byzantine qarnigii 6-aad ee milaadiga, balse waxaa markii dambe masjid ka dhigay Cusmaaniyiinta oo sanadkii 1453 qabsaday Qisdhandhiiniyah (Constantinople) maantana ah magaalada Istanbul.

Hagia Sofiya waxay kaniisad ahaan jirtay ilaa 916 sanadood ilaa laga qabsaday magaalada Istanbul, waxayna masaajid ahaan jirtay laga soo bilaabo 1453 ilaa 1934 – ku dhawaad 500 sano, xiligaasi wixii ka danbeeyayna waxaa loo badalay matxaf 86 sano.

Mid ka mid ah dhismayaasha taariikhiga ah ee sida weyn loo booqday ee ay leeyihiin dalxiisayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, Hagia Sophia waxaa lagu dairy Liiska dhaxalka dunida la wada aqoonsan yahay ee diiwaanka UNESCO sanadkii 1985, waqtigaas oo ahayd madxaf.

Maxkamad Turki ah ayaa baabi’isay qaraarkii golaha wasiirada xukuumaddii jirtay 1934 taasoo u beddeshay Hagia Sophia madxaf, taasoo wadada u xaareysay in mar kale loo isticmaalo masjidka kadib 86 sano.

Dowladdaha reer Galbeedka oo ugu horeeyo Mareykanka ayaa si caro leh ugu hadlay mowqifka masjid mar kale loogu badalay Hagia Sophia, waxayna madaxweynaha Turkiga ay ku eedeeyeen inuu meel ugu dhacay diimaha dadka ay aaminsan yihiin. Halka Dunida Islaamka qaar si weyn looga soo dhoweeyay, inkastoo dowladdaha Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ay ku dhaliileen arrintaasi Turkiga.