SOMALILAND: Geberta maxaa loo feyday? (Faallo)

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Maalmahaan waxaa socda xuski todobaadka xurriyadda  oo ka bilawday 26 Juun markii gobollada woqooyi ay Ingiriiska ka qaateen xurriyadi oo ahayd mid halgan dheer loo soo maray naqatayna riyo rumowday. Nasiib darro, daedka reer Somaliland waxay isillawsiiyeen qiimaha ay leedahay maalintaas waxayna ku beddesheen bishi maajo oo ah markey ka go’een Koofurta.  Taas ayaa kala weynaatay xurriyadi ay ka qaateen gumeysigi aan weligii ku tala gelin inuu horumar gaarsiiyo gobolladaas.

Haddaba, waxyaabaha la yaabka leh waa inay Somaliland awoodoodi iyo caqligoodi ku koobeen gooni isu-taag aan ku saleysneyn barnaamij horumarin iyo nabad ku noolaasho..

Hadafka qoraalkaan waa mid ku saleysan sababta ka dambeysa mar kasta reer Somaliland inay weligood ka sheekeeyaan dhibaatadi ay soo mareen xilligii Kacaanki oo ay ka mid ahaayeen howl-wadeenadi dhibaatada ay ka cabanayan qayb weyn ku lahaa!!!. Waxay ahayd dhibaato ay la wadaagaan Somalida inteeda kale, taasoo horseeday in dalki gebigiisiba uu burburo, shacabkiina noqdo mid haaday iyo mid heybsha,mid hayaamay iyo mid hoogay, cid ka badbaadayna aan la arag. WAA WAAJIB IN LA QIRO in Somaliland ay dhibato gaar ah ku dhacday waana mid Somali oo dhan ay qirayaan, looguna garaabay, waa haddii ay garashadooda la kaashadaan.

Addunka waxaa ka dhacay dagaalo badan ow ugu dambeeyay DAGAALKII LABAAD oo aad loogu hoobtay, tiro aan la koobi karina ay ku dhinteen.  Intaas oo dhibaato ah waxaa horsed ka ahaa kaligii-taliyihii Hitler oo qaarada Yurub oo dhan cagta mariyay ilaa dowladi Ruushka oo sheegtay inay dagaalkaa uga dhinteen LANAATAN MALYAN. Waxaa intaas sii dheer in timihi hablahooda laga sameeyay jodariyaal Jarmalka oo dhan ku faafay.

Intaas oo dhibaato ah ee ka dhacday adduunka siiba Yurub WAA IS CAFIYEEN.. Jarmalka waa la canaantay waana qaatay canaanti iyo eedeynti, wixi lagu ganaaxayna waa oggolaadeen waxayna taasi horseeday in la si-cafiyo.

Haddaba, waxaa jirtay sheeko gaaban oo ka dhacday degmo ka mid ah kuwa Xamar ugu qadiimsan, kaddib markii wiilal dhallinyaro ah ay marada ka feydeen geber suuqa mareysay. Waxaysan ogeyn in gebertu ka dhalatay jufo magac leh oon quursi iyo gardarro weligood qaadan. Marki arrinti ay soo shaac baxday ayaa waxaa kulmay odayaashi hogaanka u ahaa labada jufo ee geberta iyo wiilasha ka kala socday.

Arrinti ayaa aad loo falanqeeyay lagana yeeshay doodo badan oo dhinac walba taabatay iyadoo ugu dambeyntii jufadi wiilasha ay ka dhasheen isku kaxuntay inay bixiyaan wax alla wixi lagu baajin karo dhibaato intaa ka weyn inay dhacdo. Waana la isfahmay, markaasaa la yiri aan duceysano oo faataxada aan maranno.

Jufadi geberta ayaa yiri in la duceysto waa fiican tahay laakin geberta maxaa loo feyday? Doodi halkii ay ka sii socotay ilaa qoladi gefka gashay ay oggolaadeen inay bixiyaan gebdha diyadeeda oo konton halaad oo geela!!! …waa laga oggolaaday…Markaasaa la yiri aan duceysanno..inti aan ducadi la dhammeyn ayey qoladi gebedha ka socotay soo celiyeen su’aashi geberta maxaa loo feyday!!!

Marki arrinti ay halkaa mareyso ayey akhyaarti ka socotay wiilasha ay soo jeediyeen inay bixinayaan diyo laba wiil si mar uun la isku afgarto. Waa laga oggolaaday waxaana la yiri aan duceysanno si aysan arrimahaan oo kale noogu soo naqan…odayaashi waa oggolaadeen laakin waxay soo jeediyeen su’aashi GEBERTA MAXAA LOO FEYDAY?

U maley maayo in arrinta IS-CAFINTA ay u baahan tahay in lagu dheeraadoo waayo waa mid laga wada dsheregsan yahay.

Soddon sano ayaa ka soo wareegtay dhibki ka dhacay Somaliya, laakin Somaliland weli waxay taagan yihiin MAXAA GEBERTA LOO FEYDAY?

Arrinta wada hadalka iyo midnimada Somaliland laga raadinaayo halkaa ayey mareysaa? Goormaa Somaliland ay GARAWSAN DOONTAA INAY ISKA CAFIYAAN WIXI KU DHACAY IYAGANA LAGA CAFIYO WIXI AY GEYSTEEN?

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid